|

Guddida Diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda Oo Muddo Toddobaad Ka Badan Sharcidarro Xafiisyada Ku Fadhiya

 

Hargeysa:14-Oct-2012(SDN)-Guddida Diiwaangelinta  Ururrada Siyaasadda iyo Axsaabta qaranka Somaliland ayaa Sharciyadooddii meesha ka baxday ka dib markii ay dhamaatay Muddadii  qaanuunku u banneeyey jiritaankooda.

ciyaaaleGuddidan oo waxoogaa shaqo ah oo waddanka Muran badan iyo Nabadgelyo darro ah   aasaaskoodii soo dhaliyey, ayaa muddo-xilooddoodu ku ekayd  4-Afartii bishan October ee aynu ku jirno, waxana ay wali  sifo sharci darro ah ku fadhiiyaan xafiisyadii ay ku sugnaayeen.

Guddidan oo uu Horjooge u yahay  Cabdirisaaq Jaamac ciyaalle,   ayaa haatan gardarro ku fadhiya kuraasta, walina wax muddo kordhin ah  kama ay helin dhinaca madaxtooyada oo markii horeba laga magacaabay, waxana ay haatan iyaga oo aan wax hawl ah oo muhiim ah qaranka u haynin, haddana ay madaxtooyada ka quud-darraynayaan in xilkooda muddo kale loogu daro, si ay mushaharka iskaga sii urursadaan.

Guddidan Diiwaangelinta oo uu Aasaasay Madaxweyne  Siilaanyo ayaa intii ay xilka hayeen qaaday tallaabooyin Hiirtaanyo iyo dheer ku reebay shacabka Somaliland, waxana aad loo naqdiyey hannaankii ay u mareen kala saariddii ururradii ay diiwaangeliyeen oo intoodii xoogga lahayd ay gacantooda ku reebeen.

Guddida dhaqaalaha iyo maaliyadda ee Golaha wakiillada ayaa iyagu si rasmi ah u joojiyey miisaaniyaddii ay Guddida Diiwaangelintu ku lahaayeen Miisaaniyad-sanadeedkii 2014-ka maadaama ay sharci darro noqdeen, waxase taas aqbalaadeeda aan shaacinin Goleweynaha Wakiillada oo miisaaniyadda Oodda ka qaaday.

Guddidan Diiwaangelinta, ayaa wali sifo sharcidarro ah kusii wata hawlihii ay xafiiskooda ka hayeen, waxana wali ay u haystaan inaanu wakhtigoodii dhammaanba, maadaama ay markii horeba kaliya Hawshoodu ahayd inay mushahaarooyinka tiro dhaafka ah u doontaan Bangiga, iyagoo aan wax hawl ahba waddanka ka qaban jirin, qaarkoodna hawle kale iska mashuuleen.

Sidoo kale waxa ay Guddidani indho la’aan ku daawadeen sharcidarradii ay dhawaan xisbiga Ucid kaga Baxeen Labada xildhibaan eek a soo jeeda xisbiga caddaaladda iyo daryeelka xisbigoodii kuna biireen xisbiga Kulmiye, waxana Uu Guddoomiye Ciyaale Murankaas shacri kaga jawaabay Aamusnaan inuu ku daawado  arrin uu wax ka qabashadeeda u igmanaa.

Utumaha kale ee Guddoomiye Ciyaale iyo Guddidiisa sida weyn loogu eedeeyo inay ku lug lahaayeen, ayaa wax aka mid ahaa reebistii Ururkii Udhis oo ka mid ahaa ururradii ugu baaxadda weynaa ee is diiwaangeliya, waxana dhicitaankiisii dad badani wax ka saaraan Guddida oo dhexdheexaadnimadooda su’aali ka taagnayd.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa isagu Guddida u magacaabay inay diiwaangeliyaan Ururadii u furay, waxana markii ay hawshoodii dhamaatay ee saddex xisbi qaran samaysmeen uu madaxweynuhu sheegay inay sii jiri doonaan, isagoo shaqadoodana ku sheegay inay  xisbiyadan haatan jira ku ilaalin doonaan sharciyadda u dejisan, waxase haatan si rasmi ah u dhammaatay wakhtigii loo igmaday inay jiraan.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu awood u leeyahay inuu haatan xilkooda muddo kale ugu daro si ay markale u noqdaan Hay’ad sharci ah oo dalka ka sii hawl gasha.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed