|

Guddida Dhaqaalaha Iyo Maaliyadda Golaha Wakiillada Oo Shaandhadoodu Qabatay 9-hay’adood Oo Muddo Badan Ansaxin La’aan Malaayiin Doolar ku qaadanayey

Hargeysa14-Oct-2013(SDN)-Guddida Maaliyadda iyo Dhaqaalaha eeGolaha wakiillada Somaliland ayaa ka baaraan-deggii ay ku hayeen miisaaniyaddan sannadda 2014-ka  ku soo saaray Sagaal Hay’adood oo aan Golaha wakiillada laga Ansaxin Haddan sannado badan qaadanayey lacago tiro badan.

 

cumar xaashiGuddida oo kulamo gooni gooni ah muddoba la lahayd wasaaradda Miisaaniyadda, ayaa soo bandhigay sagaal Hay’adood oo qaarkood kaa miisaaniyad badan yihiin wasaaradaha qaranka ugu tunka weyn, kuwaas oo aan la marinin sifihii sharciga ahaa oo aan Golaha laga ansixinin.

Sagaalka Hay’adood ee Guddidani Shaandhada ku soo qabatay ayey markii hore soo jeediyeen inaan wax miisaaniyad ah loo anisinin inta  Goluhu anisixinayo, waxase Gole weynuhu markii dambe Hay’adahaas siiyey muddo 90-maalmood ah inay isku soo ansixiyaan, haddii ay  muddadaas dhaafaanna laga joojin doono kharashka ugu jira miisaaniyadda.

Soo jeedintii hore ee Guddida Dhaqaalaha oo waxoogaa la dhinac maray ayaa sababi karta halis ah inay hay’adahaas aan Golaha ka diiwaangashanayni ku dhaqaaqaan tallaabooyin aan Habboonayn oo ay u adeegsadaan miisaaniyadda u qoondaysan, waxase la siiyey muddo Kooban oo ay isku diyaarin karaan inay is sharciyeeyaan kana mid noqdaan Hay’adaha kale ee waddanka ka sharciyeysan, miisaaniyadda qoondaysanna leh.

Guddidan, ayaa wax lagu soo daray Guddida diiwaan Gelinta oo iyadu Haatan Gebi ahaanba Noqotay sharci darro kadib markii uu wakhtigeedii dhacay, waxana  iyada laga saaray liiska miisaaniyadda ilaa iyo inta madaxweynaha laga helayo amar ah inuu muddo kordhin u sameeyo.

Hay’adaha Sharcidarrada miisaaniyadda badan Gacanta la iskaga Geliyey, ayaa wax aka mid ah Televison-ka     Qaranka oo isagu sannadahanba ahaa Hay’adda Hoggaaminaysa miisaaniyadda qaranka, waxana uu sanadkii hore ka miisaaniyad Badnaa tiro wasaarado ah oo waddanka muhiim u ah.

Sidoo kale waxa dhex muuqda Hay’ado aan magacooda hore loo maqli jirin oo  iyagoo aan wax ay dalka ka qabtaan la aqoonin Haddana qaadan jirey kharash badan oo ugu jirey miisaaniyadaha, waxana Hay’adaha Carrabka ku cusub ka mid ah Hay’adda Xidhiidhka Raashinka qaranka oo meel ay ka shaqayso aan la aqoonin.

Sagaalka Hay’adood ee miisaaniyadooda Su’aasha la saaray ayaa  kala ah sidatan:

1.Guddidda Dib-u-habaynta Shuruucda.

2. ICT. Commission.

3.Garyaqaanka Guud.

4.Hay’adda Qurbejoogga.

5.Tv.ga qaranka

6.Guddidda Baadhista Xasuuqa Qaranka.

7.Hay’adda Xidhiidhka Raashinka Qaranka.

8. Guddida Diiwaangelinta ururada iyo Axsaabta Qaranka oo xilligoodii dhammaaday.

9.Hay’adda Dhawrista Tayada.

Madaxda Hay’adahan ayaa dhammaantoodba waxa waajib ku ah inay u diyaargaroobaan sidii ay Golaha uga doonan lahaayeen liisanka sharciyadoodda, waxana kaliya ay haystaan muddo 90-maalmood ah si ay uga badbaadaan in laga baabi’iyo kharashaadka miisaaniyadda ugu jira.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed