Guddida Beesha Habarjeclo oo gorgortan ugu jirta siideynta Gen Faysal Cabdi Bootaan iyo dalbaadka SSC
Hargeysa September 09, 2023 (QJ) – Sida ay noogu soo waramayaan ilo wareedyo ka agdhow Guddida Beesha Habarjeclo, waxa maalmihii u danbeeyay socday dedaal baahsan oo lagu doonayo in lagu soo daayo Gen. eral Faysal Cabdi Bootaan oo dagaal ay ku qabteen Jamaahiirta SSC 25 kii August 2023.
Generalka ayaa la sheegayaa in uu qudhiisu xirooro kala duwan la soo sameeyay madax dhaqameedka beshiisa iyo qar ka mid ah saraakiisha ciidanka Somaliland oo uu ka dalbaday in aaney fulin wax dhaqdhaqaaq ciidan ah.
Sidoo kale waxa la sheegayaa in Ganacsatada waaweyn ee Beesha Habarjeclo qudheedu ka mid tahay gorgortanka lagu soo furanayo Generalka, oo waxa la sheegay in miiska la dhigay aduun faro badan.
Beesha SSC ayaase la sheegayaa in ay dalbkeeda siideynta raacisay in Guddida Beesha Harajeclo ku dhawaaqdo in ay ka baxday dagaalka isla markaana aan degaanadeeda looga soo duulin.
Waana sababta laba siyaasi ee ugu waaweyn Beesha H/Jeclo ee Guddoomiyaha Waddani Xirsi Cali iyo Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka KAAH Maxamuud Xaashi ay dhawaan warbaahinta uga jeediyeen hadalo fajac ku noqday reer Somaliland oo looga gogosha u sii xaaraya dalbka siideynta Faysal Bootaan.
Si kastaba ha ahaateen, Muuse Biixi ayaa dhankiisa aan la ogeyn sida uu arinkan u arki karayo, isla markaana ay ka goaan tahay in uu sii wado dagaalka Sool.