|

Guddida Baadhista Xasuuqa Somaliland oo u mahad celiyay Xukuumadda iyo warbaahinta

Hargaysa 14.March 2014 (SDN)- Gudida baadhista xasuuqa ayaa  u mahad celiyay xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, khubarradii beesha caalamka iyo warbaahinta maxaliga ah kaalintii ay ka geysteen hawl-galkii ay dib ugu aaseen 44 qof oo rayid ah oo Dawladdii Siyaad Barre ku xasuuqday Magaaladda Hargeysa.

Gudida-Xasuuqa-Somaliland-300x169Kulankan oo ay goob joog ka ahaaayeen dhammaan xubnaha gudida baadhista xasuuqa ayaa gudoomiyaha gudida baadhista xasuuqa  Khadar Axmed Like waxa uu u mahad celiyey madaxweyne Axmed Siilaanyo  iyo golihiisa Wasiirrada oo uu tilmaamay  si hagar la’aan ah gudida uga gacan qabtay dhinaca dhaqaalaha hawl-fulinta iyo taageero mooraalka ah oo uu la garab taagnaa mudadii ay wadeen baadhitaanka iyo markii dib loo aasayey dadkaasi.

Dhanka kalena Md Khadar Axmed Like waxa uu uga mahad-celiyey warbaahinta dalka kaalintii  ay ka qaateen in beesha caalamka la gaadhsiiyo caddaymahii muujinayey xasuuqii  Taliskii siyaad Barre ee dalka Soomaaliya uu u geystay shacabka Somaliland sideetamaadkii.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed