|

Guddida Aqoonyahanka Beesha Da’auud Garxajis oo Saxaafada Somaliland uaga been abuurteen in ay Dhaliileen Gollaha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka

Hargeysa Aug 18,2013(SDN)-Gudida Aqoonyahanka Beesha Da’uud Garxajis ayaa si weyn u canbaareeyay been abuur laga sameeyay oo saxaafada Somaliland qaarkeed soo bandhigeen.

Saxaafada Somaliland ayaa shaacisay baaq ay sheegeen in ay soo saareen aqoonyahanka Beesha Ciidegale ku ayideen dawlada Somaliland isla markaana ay ku canbaareeyeen Gollaha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka.

Qaar ka mida Aqoonyahanka ku xusan Baaqan oo uu u horeeyo Guddoomiyaha Guddida ayaa bulshada u cadeeyay in laga been abuurtay oo saxaafadan prepaidka ahi hawshan fulisay.

Aqoonyahanku waxa ay baaritaan haatan ku sameynayaan cida baaqan been abuurka ahka danbeysay.

Sidoo kalena waxa jira in dedaalo Guddidu wado oo saxaafada loogu soo bandhigayo in aaney waxba iska bedelin mawqifyadoodii ay hore u soo bandhigeen ee ku wejahan Xukuumada Axmed Siilaanyo iyo Gollaha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka.

SDN-Hargeysa

contact@somalidasporanews.com

Comments are closed