Guddi loo magacaabay shirka dib-u-heshiisiinta Jubbooyinka ee Muqdisho iyo Cida Hogaaminaysa
Muqdisho 25.Sep 2013 (SDN)- Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta magacowday guddi ka kooban 8-xubnood oo soo qaban-qaabidoona wejiga koowaad ee shirka dib-u-heshiisiinta beelaha kasoo jeeda deegaannada Jubbooyinka oo lagu wado in lagu qabta Muqdisho lagu shanta bisha soo socota.
War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska raysul wasaaraha ayaa lagu sheegay in sideed xubnood ee la soo magacaabay uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed, kuna jiraan guddiga wasiirrada gaashaandhiga iyo warfaafintu.
Guddigan ayaa ka shaqeyn doona qabsoomidda shirka si ay suura gal u noqoto dhaqan gelinta heshiiskii Addis- ababa ay ku gaareen dowladda federaalka iyo maamulka ku meel gaarka ee Jubba 27-kii August.
Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday shacabka inay taageeraan dhaqan gelinta iyo ka mira dhalinta heshiiska iyo sidii looga shaqeyn laha nabad iyo wada noolaasho ay helaan beelaha kasoo jeeda deegannada Jubbooyinka.
Wejiga labaad ee shirka dib-u-heshiisiinta beelaha ka soo jeeda gobollada Jubbooyinka ayaa lagu qaban doonaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com