GORFEYN: XUSKA MAALINTA XORRIYADDA
Si waafi ah ugama fekerno sababaha aynnu fal kasta u samaynno, mana halaanbaynno saamaynta arrin kasta oo dadnimadeenna iyo ummadnimadeenna lama-huraan u ah. Taasi waxay keentay inaynnu ku noolaanno, kuna naalloonno nolol sabbaynaysa oo aan lahayn halbeeg laga qiyaaso gedgeddoonka tagtadeeda iyo timaaddadeeda. Si taas la mid ah, sababtaas ayaynnu u garan la’nahay halka aynnu ka nimid iyo oddoroska bar-dhammaadka hayaankeenna. Waxa bannaan kaalinta kaskii saalloonaa ee fal iyo falcelin kasta ku ladhi jiray miyirka, xasilloonida iyo hubsiinada; iyo garashadii sugnayd ee sida furan u naaqishi jirtay fallaadkeeda.
In maalintaas la saanyado, in weynaynteeda la caadaysto oo xuskeedu joogto noqdo, in subaxdii fagaarayaasha la tago, habeenkiina dadka qaarkii aqalka dalka looga arrimiyo waxoogay casho ah ku cunaan, in cashadaas lafteeda riwaayad, heeso iyo in la hal maasha la iskaga dejiyo, in warbaahinta laga salaamo madaxweynaha, afadiisa, saddexda gole iyo saddexda xisbi iyo in la sameeyo intaas iyo in kale oo laysla yaqaannaaba waa ku-dayasho indho-la’! Haa, waa sidaas. Oo ma xeer sharci-dejintu ansixisay oo intaasba jideeyay ayaa jira? Miyaanay ahayn wax inta la joogteeyay, sidaas uun lagu qabatimay? Malahayga iyo mutuhintayda ama sida ay xaqiiqadu tahay, badiba dadkii si uun uga qayb qaatay xuskani jawaabo ku filan uma hayaan sababta ay xuska maalintan u hidiyeen. Haddii laga tegi waayo, waxaan filayaa inay ciddii weydiintaas hollisay fitneeyaa, inay bandoo-maskaxeed ku ridaan, inay qaran-dumis ku xidhiidhiyaan iyo inay dareenno kale oo agaheenna yaalla la doontaan.
Maadaama oo la xusayo maalintii gobannimadu dib u dhalatay, waxa arlada simay dhaldhalaalka iyo shacniga midabbo goonni ah, waxaana la daaray nalal aan waayadaas iftiinkooda la soo if saarin. Codad muyuusig lagu ladhay oo aan heesnimada wax badan la wadaagin ayaa kob walba laga tebiyay, qoobka iyo meelo kalena waa laga cayaaray. Baabuur yaryar oo la saaray dad yaryar oo calammo ka lusha ayaa iyagana si xawli ah loo eryayaa. Waa la is bogaadinayaa, in badan oo balwado lahayni waxay tijaabinayaan dhaqammo uu barjuhu u sokeeyo, in badan oo kalena waxay tegayaan caweys-wadareedyo (Baadhi) aan wax xidhiidh ah la lahayn xuskan. Warbaahinta waxa laga arkayaa muuqaallo isku wada mid ah oo aan meelna ka soo gelin waddaniyadda loo muraaqoonayo. Haddii ay yuhuun dal-jacayl iyo aragti waddaniyadeed jirto, miyaanay wax iska beddeleen hab-nololeedka bulshadeenna? Ma sharciga iyo dawladnimada ayaynu ismoodsiis u rogi lahayn? Ma musuqa iyo maamulxumada ina dishootay ayaynu galabsan lahayn? Ma qabyaaladda ayaynu bili lahayn oo qarannimada ayaynu quudhsan lahayn? Ma danayste miidhan oo “Maxaa iga galay” la soo taagan ayaynu iskugu bixi lahayn? Ma xashiiska ina dul tuulan ayaynu eegan lahayn? Ugu dambaynna, ma intan iyo in kale ayaynu dugsan lahayn? Mooyi!
Muunaynta sannad-guuradan awgeed, wasiir kasta waxa loo diray tuuladii ama degmadii uu abtirsiimo ahaan ka soo jeeday. Marka ay sidan tahay, xuska loo ham iyo dig leeyahay ma kii qarannimadaa, mise waa kii qoysnimada, qabyaaladda, qoqobka iyo dirsooca? Bal adba! Si ay tahayba, tani waxay madmadow gelisay ahdaaftii loo jeeday iyo himiladii lagu hiranayay, waxaanay i gelisay: “Waxa la jecel yahay maalinta ee looma jeedo ujeeddada ay maalinta keentay”. Dabcan, kuma khaldanid haddii aad adba igu raacdid dannigan.
Maalinta oo la caashaqaa waxba kuma biirinayso baadigoobka aynnu ugu jirno nolol tan dhaanta. Maalmuhu waxay ka dhashaan isbedbeddelka dayaxa iyo cadceedda oo ah makhluuqaad u tasbiixsanaya Khaaliqii uumay, xilgudasho gubaysana ku fooggan. In Maalmaha midkood loo buseelo oo la bogaadiyo, mid kalena la baasaysto oo la beleeyaa waa kasdarro. “Subax dhalatay caadkeeda, ha ka bogan wax-saarkeeda”. Maalintu eed iyo ammaan toonna kuma laha inay xilkeeda gudato, laakiin dadka la karaameeyay ayaa looga fadhiyaa qaabaynta maalmaha iyo qurxintoodaba. Waa suurtogal inaad tan samayso, sargoyso oo aad saafto – haddii aad aaminsan tahay awoodaha lagu siiyay iyo furayaasha albaabbada xujada adag. Haddii se aad taas ku guuldarraysatay, waa lagaa filayaa inaad maalmaha kala soocdo iyo inaad wax kasta oo kaleba ku kacdo.
Xuskan iyo xusuustan, dadka ka qaybgalay waxa foolaad u ah una badan facii dhashay xilliyadii ka dambeeyay maalinta la xusayo. Iyagu ma yaqaannaan sababta xuskan loo calmaday, sababta loo jideeyay ee sharci looga dhigay iyo sababta muuqaalkeedu sidan u noqday ee si kasta oo kaleba u noqon kari waayay. Sidoo kale, wax badan kama oga sababihii dhaliyay in maalintan laga noqdo israacii labada ummadood ee 1960-kii. Dembi kuma laha inay taas warmoog ka yihiin oo xog iyo hawaale-warran ku saabsan sooyaalka maalintan kamay helin da’dii kor uga weynayd. Inta loo sheegaa waa in isku wada mid ah oo sidii midhaha darayga duuduub ku liqa lagu yidhaa. Waxa intaas u raacda heesahaas nuxurka ka arradan iyo hallaasi kale oo lagaga baxsanayo xaqiiqooyin jiray ama jira. Sidaas darteed, ceebi kama raacayso haddii ay maalintan u rogtaan fursad ay ku madadaashaan, ku cayaaraan ama ku xaraabaystaan.
Qaddiyadda aan ka hadlayo awgeed, waxaan xusayaa dugsiga sare ee Quulle Aadan Dool oo Hargeysa ku yaalla oo isagu maalintaas ku qaatay goob raad reebtay oo taliskii Barre ku fulin jiray dilka dad aan waxba galabsan. Halkaas waxa ardayda lagu siiyay duruus ku saabsan buqcaddaas oo u mudnayd waxyaabihii dhaliyay maalintan. In kuwa kale ee la midka ah iyo guud ahaan da’da soo kacaysaba intaas loo hidiyaa waa mid ka muhiimad iyo macne ballaadhan in loo dhiibo baabuur yaryar iyo calammo aanay garanayn sababta ay u sitaan.
Qalinkii: Maxamed Saleebaan Cumar
E-mail: halabuur@hotmail.com, contact@weedhsan.com
Website: www.weedhsan.com, www.weedhsan.org