Goobo Waxbarasho oo Britain Ku Yaalla Oo Lagu Eedeeyey in Lagu Barto Xag-jirnimada
London:June,11,2014(SDN/QJ)-Waxa soo Baxday warbixin uu Xafiiska Dabagalka Hannaanka waxbarasho ee dalka Britain uu ka soo saaray Dugsiyo islaami ah oo ku yaalla Dalkaasi.
Warbixintan ayaa noqotay mid aan ka farxinin dugsiyo islaami ah oo Halkaasi ku yaalla kuwaas oo lagu tilmaamay inay carruurta Baraan xagjarnimada.
Arrintan ayaa walaac badan ku abuurtay waalidiinta iyo ururada islaamiga ah ee dalka Britain, waxana soo baxaya warar tilmaamaya in baadhitaanno hoose lagu samayn doono maamulka dugsiyadaas gacanta ku haya.
Mukhtaar Sheekh Cismaan oo ah Madaxa Akaadiimiyada Iqra ee magaalada London oo amuurtan ka hadlayay ayaa ka warrmay saamaynta ay arrintan yeelan karto, isla markaana tilmaamay in arrintani ay tahay mid lagu xumaynayo dadka Muslimiinta ah, waxa kale oo uu xusay in warbixintan ay ku lug leeyihiin dad tira yar oo aan jeclayn wada noolaanshaha bulshada ku nool Britain.
Dugsiyada warbixintan lagu xusay ayaa waxa ku jira qaar dad soomaali ahi leeyihiin iyo kuwo ay macallimiin ka yihiin, waxase maamulka iyo macalimiinta Dugsiyadaasi sheegeen in warbixintu aanay ahayn mid runta salka ku haysa oo ay qoreen dad aan waxba u fiirsan oo soo dhegaystay wararka ay baahiyaan warbaahin aan ku faraxsanayn horumarka dadka islaamka ah.
SND/QJ