Goobaha Halbawlaha u ah Hargeysa Oo Habeenkii 14-naad Mugdi ah iyo Halis Ammaan-darro oo Soo Wajahday Shacabka Caasimadda
Hargeysa:12-April-2014 (SDN)-Waxa Habeenkii 14-aad Oo Xidhiidh ah Madaw ku Sugan inta Badan Guryaha Caasimada Hargeysa ku Yaalla iyo Waliba Goobaha Halbawlaha, kadib markii ay Warshadii korontoda Ee Dawladdu shaqadii Joojisay.
Shacabka Caasimadda ayaa intooda badan Marka laga Yimaaddo Guryaha ku Madow waxa soo Foorsaartay Cabsi iyo Halis Ammaandarro, kadib markii ay Madaw isku Beddeleen Dhammaanba Goobihii Muhiimka ahaa oo Markii hore ay Iftiimin jiree Laambado ku baxay Laydka Dawladda ee Haatan Bakhtiisani.
Inta Badan Laambadaha Badhtamaha Suuqa iyo Goobaha Luuq-luuqyada ah ku Xidhan ayaa wada Bakhtiisan, waxana muddadaas ay Arrintu sidaas ahayd soo Batay Baadhasho iyo haddidaad kale oo tuugta iyo Kuwa rabshadda jeceli kaga faa’iidaysanayaan Madowga jira.
Dawladda ayaa dhinaceeda Dhibkan kaga Jawaabtay inay Keenayso Mishiino cusub, isla-markaana ay guud ahaanba shaqadii Hay’adda korontada ay Gacanta ku qaban doonto, taasina wali saansaanteedu ma muuqato oo dadku waxay ku sii sugan yihiin Mugdigii.
Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa ku Ballanqaaday inay Dib u soo Celin doonaan Laydhkii Dawladda oo ay Dardar gelin donaan SHaqadii ay Bulshada u Hayeen, taasina waa wax afkiisa uun laga Maqlay oo wali la Sugayo.
Goobaha Ciidamada iyyo Xarumo badan oo Dawladdu leehaya, ayaa iyagu iska Iibsaday Mishiino yar yar oo kuwa Xaaladda degdega ah loo Daarto ah, waxana ay labadii Toddobaad ee ugu dambeeyey shidanayeen Mishiinadaas Iyagoo wali sugaya xilliga la Hagaajinayo Korontada Dawladda, maadaama aanay jeclayn inay Koronto gaar ah soo Gashadaan.
S.D.N