Gollaha Wakiilada Somaliland oo iscasilaad ka aqbalay Md Cabdicasiis Samaale ansixiyayna wasiirnimadiisa
Hargeysa Mar 18,2012(SDN)-Golaha Wakiilada ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa fadhi ay yeesheen Cod Aqlabiyad ah ku ogolaaday Iscasilaadii uu golaha u soo Gudbiyay Gudoomiye ku xigeenkii 1aad ee Golaha Wakiilada Somaliland Mudane C.Casiis Maxamed Samaale, Waxaa kale oo ay Mudanayaashu ku ansixiyeen Xilka Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Somaliland ee Todobaadkii tagay,uu Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland u igmaday Mudane C.casiis Maxamed Samaale .
Fadhigan Shir Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Jamhuuriyada Somaliland Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi “Cirro” waxaa Madashii Fadhigaasi ka soo xaadiray 52 Xildhibaan oo ka mid ah 82ka Mudane ee Golaha Wakiiladu ka kooban yahay ,waxaana Xildhibaanada halkaas looga akhriyay codsiga ka shaqo ka tagista ee uu golaha u soo gudbiyay Gudoomiye ku xigeenkii 1aad ee hore ee golaha wakiilada haatana ah Wasiirka Wasaarada Maaliyada Mudane C.casiis Maxamed Samaale oo Goob joog ka ahaa fadhigaasi .
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi (Cirro) ayaa Xildhibaanada ku wargaliyay inay u codeeyaan aqbalaada codsiga istiqlaalada ah ee uu golaha u soo gudbiyay Gudoomiye ku xigeenkiisii 1aad Mudane C.casiis Maxamed Samaale waxaa ogolaaday 51 Xildhibaan,Cid diiday iyo Cid ka aamustay ma ay jirin Gudoomiyuhuna muu codayn .
Sidoo kale waxay Goluhu cod u qaadeen In Mudane C.Casiis Maxamed Samaale uu noqdo Wasiirka Cusub ee Wasaarada Maaliyada waxaana Cod aqlabiyad ah ku ogolaaday 50 Xildhibaan waxaa ka aamusay Hal Mudane, Gudoomiyuhuna Muu Codayn sidaas ayaanu ku meel maray.
SDN-Hargeysa