|

Golaha Wakiilada Somaliland oo ansixiyay wax-ka-bedel lagu sameeyay xeerka doorashooyinka

Hargeysa August 07,2012(SDN)-Fadhi aan caadi aheyn oo ay maanta yeesheen gollaha Wakiilada Somaliland ayaa waxa looga dooday isla markaanalagu ansixiyay soo jeedin ay guddida doorashooyinka dalku isbedel ugu dalbanayeen xeerka doorashooyinka dalka.

Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa tijaabo ay sameen ka dib waxa ay ku ogaadeen in magaca usharixiinta golleyaasha degaanka lagu bedelo Number halka iminka uu calaamad ka yahay,si markaasi tirada musharixiinta oo badan owgeed aanu jahawareer u dhicin.

Xeerka doorashooyinka oo dhaqan galay julydii ina dhaaftay ayaa haatan wax ka bedelkan maanta loo codeeyay,lana ansixiyay.

Waxa fadhiga maanta ee Wakiilada ka soo xaadiray 53  mudaneyaal,guddomiye Cabdiraxmaan Cirrona waa uu hsir guddoomiyay.

Mudaneyaal gaaraya 37 xubnood ayaa ansixiyay lifaaqan cusub ee xeerka doorashooyinka,4 mudane ayaa diiday,halka 12 kalena ay ka aamuseen,guudoomiyuhuna muu codeyn,sidaana waxa ku dhaqangelaya xeerka lifaaaqa shanaad ee doorashooyinka dalaka.

 

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed