|

Gollaha Wakiilada oo Mushaharkii laga jaray

Hargeysa June 02, 2024(QJ)-Golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta u baaqday kooram la’aan maalintii saddexaad oo xidhiidh ah, iyadoo goluhu hore u go’aamiyay in dib loo furo kulamaa ka dib markii uu madaxweynuhu dib u soo celiyay xeerka miisaaniyada sanadka 2024-ka.

Khilaafka Golaha Wakiilada iyo Xukuumada ee ku saabsan qoondada Miisaaniyada ayaa sababay in la hakiyo Mushaarkii Xildhibaanada.

baaqashada fadhiga Golaha waxa sababay xeerar dib uu u soo celshay Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixi Cabdi, kuwaas oo Golaha ay horay u meelmariyee.

Waxa kale oo fadhi la’aanta Golaha loo sababanaynaa xeerar uu madaxweynuhu Golaha Wakiilada soo celiyey kuwaas oo ay ka mid yahay xeerka ansixinta Gobolnimada Gabiley oo ay la socoto dallacsiinta afarta degmo ee kala ah, Baligubadle, Caynaba, Baki iyo Sheekh oo dhamaantood ‘B’ loo dallacsiinayo.
Somaliland ayaa la filayaa in sanadkan ay ka dhacdo doorashada madaxtinimo, iyadoo diyaar garow loogu jiro, balan qaadka doorashada oo ah mid adag.

Comments are closed