Golaha Wada Tashiga Somaliland oo Sharaaxaad ka bixiyay Ujeedooyinkooda, Xukuumadana Dhaleeceeyay
Hargeysa July 15,2013(SDN)-Gollaha Wada Tashiga iyo Toosinta Qaranka ee Somaliland dhawaanta lagaga dhawaaqay Hargeysa ayaa fasiraad ka bixiyay sababha ay u doorteen magaca Golaha iyo Ujeedooyinka ka dambeeya.
Golaha Wada Tashiga ayaa ku eedeeyay dawlada Somaliland inay si khalad ah u fasireyso Golha iyo waxa uu damacsan yahay, wuxuuna war-murtiyeed uu goluhu maanta ka soosaaray Hargeysa u dhignaa sidan; “Waxaanu Ummada Somaliland meel kastoo ay joogto leenahay Ramadaan kariim Waxaa shir dheer oo Xubnaha Goluhu isugu yimid laga maarmi waayey in aan mar labaad shacabka sharafta iyo qadarinta leh ugu celino nuxurka Golaha wada-Tashiga iyo Toosinta Qaranka
Kelmada GOLE waa erey ka da? weyn dhismaha dawaladda aynu iminka naqaano, oo somaalidu soo isticmaalaysay wakhti aan dawlad ba la aqoon. Tusaale: Gole Geel-jire, Gole ciyaareed, Gole wada hadal, Gole colaadeed, Gole nabadeed, iyo Gole xidid iyo Gole Diineed.
Iminkana waxa loo isticmaalaa Golaha Salaadiinta , Golaha Cuqaasha, Golaha Suugaanta iyo Golaha Barayaasha.
Sidaa darteed, waxa hadalka Xukuumadda ka muuqday inay dadweynaha sifo khaldan ugu dhigeysay , taas oo aanu ku sharaxnay ereyga GOLE isticmaalkiisii hore iyo kan dambeba.
Golayaasja Qaranka ee Dastuurku jideeyey waa seddex: 1) Golaha Xukuumada, 2) Golaha Wakiilada iyo 3) Golaha Guurtida, midna maanaan sheegan. Xisbi Qaran maanaan sheegan, ee waxanu nahay Muwaadiniin talo aanu isleenahay wax bay u tareysaa Dalka iyo Dadka u soo jeediyey, sida Dastuurku xaqa u siiyey inuu fikirkiisa cabirikaro.
Sida darteed, waxaanu Ummadda Somaliland u sheegeynaa nuxurka Goluhu waa waxa ha la saxo, waana waxaynu wada leenahay dhamaanteen oo u baahan inaynu ka wada tashno marka ay timaado kale duwanaansho fikir iyo aragti ku salaysan xaguu Waddanku u socdaa ma tahay wadadii guusha?
WAXANU MAR LABAAD CADDEYNAYNAA INAANU GOLAHANU AHAYN GOLE KU JIRA TARTAN SIYAASADEED. NUXURKUNA WAXA WEEYE INAYNU WIXII KHALDAN KU DHAMEYSANO TALO LOO WADA DHANYAHAY OO HAREERAHA LAGA WADA JOOGO, SIDII SOMALILAND KU CAANO MAASHAY LOO ADKEEYO MIDNIMADEENA.
ALLA MAHAD LEH,
WAA INOO TOOSIN IYO TURXAAN BIXIN INSHAALLAH.?