|

Gollaha amaanka oo khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya ka hadlay

NY February 04, 2024 (QJ) -Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ku booriyay Itoobiya iyo Soomaaliya inay IGAD iyo midawga Africa u kaashadaan sidii loo xalin lahaa khilaafka u dhaxeeya, sida uu xaqiijiyay Danjire Meles Alem oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya.

Danjire Meles Alem ayaa warbaahinta u sheegay in Itoobiya ay ka codsatay IGAD in la qabto shir kale oo heer sare ah oo looga hadlayo khilaafka is-afgaradka ah ee ay horaantii January la sexeedeen Somaliland, kaasoo Muqdisho ka carootay.

IGAD ayaan weli jawaab rasmi ah ka bixin codsiga Itoobiya.

29-kii Janaayo, Golaha Ammaanka wuxuu yeeshay shir cinwaan looga dhigay ‘Nabadda iyo Ammaanka Afrika’, iyadoo Soomaaliya ay codsatay kulanka. Hase yeeshee, Goluhu wax tafaasiil ah kamay bixin shirkaas.

Hase-yeeshee, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, Meles, ayaa u sheegay Golaha Ammaanka ee Qarammada Midoobay in heshiiska ay Somaliland la saxeexdeen uu salka ku hayo is-dhexgalka dhaqaale iyo bulsho.

Comments are closed