Gollaha Amaanka ee QM oo isku raacay in Syria ay hubkeeda Chemical-ka burburiso
New York Sept 28,2013(SDN)Gollaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa fadhi uu xalay yeeshay waxa uu iskula qaatay in dalka Syria ay hubkeeda Chemical-ka ku baabiso si degdega.
Golllaha Amaanka 15kiisa xubnood ayaa gebiahaanba u codeeyay in ay Syria ee dardar geliso baabi’inta hubka.
Syria ayaa bishan sexeexday heshiiska heshiiska caalemiga ah mamnuucaya sameynta iyo isticmaalka hubka Chemicalka ah.
Dawlada Mareykanka oo dabada ka riixeysay qaraarkan ayaan helin qodob ay uga dalbatay Gollaha Amaanka in la ciqaab dalka Syria hadii aaney u hogaansamin Qaraarka.
Si kastaba ha ahaatee goaankan QM ayaa dardar gelinay in hub ka dhigid lagu sameeyo xukuumada Bashaar Al Asad ee dalgaalka kula jirta mucaaridkeeda mudada labada sanadood.
SDN-New York
contact@somalidiasporanews.com