Gollaha Amaanka ee Qaramada Midoobey oo mar kale ku kala qeybsamay xaalada Syria
New York Aug 22,2013(SDN)-Gollaha amaanka ee QM aaa kulan deg dega oo ay ka yeesheen qarax dad badani oo caruurina ku jirto ay ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Dimishiq ee dalka Syria.
Qaraxan ayaa mucaaridka Syria sheegeen in ay uu ahaa mid ay ay dawlada Syria isticmaashay hubka sida weyn wax u gumaada ee Sunta ah.
Dawlada Syria ayaa dhankeeda dafirtay in ay isticmaasho wax sun ah.
Gollaha Amaanka ayaa kulankii ay yeesheen ku guuldareystay in ay ka soo saaraan hadal la isla qaatay oo ku wejahan Syria.
Xoghayaha guud ee QM Ban Ki Moon ayaa dalbay in QM ay Dimishiq ka sameyso baaritaan la xiriira qaran,si loo hubiyo in aanan wax sun ah loo isticmaalin shacabkan la laayay.
Dawladaha China iyo Ruushka ayaa qaadacay dalab ay soo jeediyeen dawladaha reer Galbeedka ee la safan mucaaridka Syria.
Dalabka ayaa ahaa in la canbaareeyo dawlada Syria iyo in baaritaan lagu sameeyo goobtii uu qaruxu shalay ka dhacay ee Dimishiq.
Madaxa Gollaha Amaanka oo wareega ayaa doorka waxa madax ka ah safiirka Argentina Maria Cristina Perceval oo saxaafada la hadashay ayaa sheegtay in kulankooda la iskula eegay sidii colaada loo joojin lahaa,iyo in cadeeymo ku wejahan sidii loo ogaan laaa wixii shalay dhacay.
Waxa haatan ku sugan Syria koox baareysa ilaa sadex goobood oo la aaminsan yahay in ay ka dheceen dagaalo la isku adeegsaday Sunta.
Balse goobtii dadka badani shalay ku dhinteen kuma jiro goobaha la baarayo.
SDN-Dimishiq
contact@somalidiasporanews.com