|

Golayaasha Deegaanka ee Degmooyinka Ceel Afweyn iyo Gar adag oo doortay Maayaro Cusub

 

Hargaysa 26.Dec.(SDN)  Xildhibaanada golaha deegaanka ee Degmada Ceel Afweyn iyo Gar adag oo ka tirsan Gobolka Sanaag  ayaa maanta kulan ay yeesheen ku doortay Mayaro iyo Maayar Xigeeno..

Xildhibaanada cusub ee degmadaas oo maanta yeeshay fadhigoodiiugu horeeyey ee rasmi ah isla markaana uu goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Sanaag aadan diiriye Cigaal (Geeljire)  iyo gudoomiyaha maxkamadda Gobolkaasi ayaa  ka dib markii la dhaariyey waxay xildhibaanadu cod aqlabiyad ah ku doorteen Baashe xandulle Warsame inuu noqdo Mayorka degmada Ceel afweyn, halka ay Cabdi Muuse Warsame isna u doorteen ku xigeenka Mayorka magaaladaasi,Isla markaana labadooduba ku abtirsada Xisbiga Kulmiye.

Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Aadan Diiriye Cigaal Geel Jire oo doorashada kadib ka hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay sidii meel la isaga dhigi lahaa Xanaftii ka dhalatay doorashadii Golayaasha Deegaanka ee dalka ka qabsoontay dabayaaqadii bishii hore,waxaanu ku booriyay Maamulka Cusub ee Degmada Ceel Afweyn inay gacmaha isu qabsadaan horumarka degmadooda .

Sidoo kale Maayarka Cusub ee Degmada Ceel Afweyn iyo Ku xigeenkiisa ayaa Madashii dhaarinta iyo doorashada waxa ay ka balanqaadeen inay meel iska dhigi doonaan waxyaabihii ay ku soo ololeeyeen xiligii doorashada isla markaana Guntiga u xidhan doonaan sidii ay Waxqabad dhab ah u hirgalin lahaayeen.

 

Geesta kale Wararka naga soo Gaadhaya Degmada Gar adag ayaa Sheegaya in Kalfadhigii Kowaad ee Golaha Deegaanka ee Magaalada Gar adag lagu dhaariyay Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee degmadaas isla markaana ay ku doorteen Maayarka degmadaas Ismaaciil Aadan Ciise iyo Maayar ku Xigeen oo loo doortay Yuusuf Cabdi Axmed , kana soo jeeda Urur Siyaasadeedkii Rays,Waxaana Goob joog ka ahaa Doorashadaasi wefti uu hogaaminayo Gudoomiyaha Gobolka Sanaag.

Hargaysa SDN

Comments are closed