Golayaasha Deegaanka ee Cusub oo qabsaday tubta kuwii ay bedaleen iyo Caasimada Hargeysa oo hibanaysa Maayar Jiciir
Hargeysa Feb, 11 2013 (SDN)- Golayaasha deegaanka Somaliland ee degmooyinka dalka loo soo doortay laba bilood iyo dhowr maalmood ka hor, ayaa ilaa hadda waxqabadkoodu aanu muuqan, waxaana soo baxaya dhaliilo dhinaca shaqadooda ah.
Xildhibaanada golayaasha deegaanka Somaliland oo shacabkii soo doortay ku han-waynaayeen inay wax badan ka badali doonaan degmooyinkooda isla-markaana ay dabooli doonaan baahiyaha dhinaca addeegyada aasaasiga ah oo ay ugu horeyso nadaafada Magaalooyinka iyo hagaajinta jidadka gaadiidka iyo dadwaynaha ayaa ilaa hadda waxqabadkoodu aanu muuqan, inkasta oo ay xilka hayaan muddo saddex bilood ku dhow.
Xildhibaanadan golayaasha deegaanka oo ololihii doorashadooda ku soo galay inay wax ka qabban doonaan baahiyaha aasaasiga ah, sidoo kalena golayaashii ka horeeyay aad ugu dhaliili jiray waxqabad la’aan iyo fadhiidnimo baahsan, ayaa hadda aad moodaa inay ka liitaan kuwii ka horeeyay marka aad eegto nidaamkooda shaqo iyo maamul aan lahayn dhan loo raaco.
Hargeysa oo ah muraayada laga dheehdo Somaliland iyo horumarka ay ku tallaabsato, ayaa waxa ilaa maalintii golihii hore la bedalay in wax ka dhacaan mooyaane aanay waxba u kordhin, waxaana sii kordhaya bilic xumada, iyadda oo qashinkii awalba dadku ka caban jiray uu meel walba yaalo, halka golihii deegaanka ee loo soo doortayna mid walba arimo u gaar ah ku mashquulsan yahay.
Shacabka Caasimada oo markii Maayarka Hargeysa loo doortay Eng Yuusuf Warsame Siciid aad u dhaweeyay isla-markaana ku rajo-weynaa in injineerku buuxin doono galdaloolooyinkii Maayarkii hore, ayaa hadda cadhuuftooda dib u liqay, ka dib markii golihii deegaanka ee hawsha la wadi lahaa laba bilood gudahood fadhiid ku noqdeen, halka Alle caafimaad ha siiyee Eng Yuusuf Warsame Siciid-na xaalad caafimaad dalka uga maqan yahay.
Mayar ku xigeenka Caasimada Hargeysa Cabdicasiis Cago-weyne oo ay ahayd inuu hawlihii Maayarka sii qabto isla-markaana hawlaha golaha deegaanka si hufan u sii qabto, ayaa isagu u muuqda masuul aan xil iska saarayn hawlaha baaxada leh ee u yaala golaha deegaanka, waxaanu ku mashquulsan yahay ka qayb-galka Munaasibadaha ka dhaca Caasimada.
Waxqabad la’aanta golahaa deegaanka Hargeysa oo xitaa gaadhay in xashiishku meel walba buuxsamo, ayaa ku soo beegmaysa xili muddo koobani ka hadhsan tahay curashada roobabkii guga isla-markaana loo baahan yahay in qashinka laga guro Magaaladda, lana baneeyo biyo mareenada caasimada si hadhow aanay daadadku ugu fatihin Meheradaha iyo guryaha kale, balse sida muuqata golaha deegaanka ayaan u diyaar-sanayn fulinta hawlaha u yaala, iyadda oo sidoo kalena aanay ilaa hadda bilaabin fadhiyadii Khamiis walba ay yeelan jireen golihii deegaanka ee hore, fadhigaasi oo ay kaga wada hadli jireen wixii u qabsoomay toddobaadkaasi iyo waxa u qorshaysan toddobaadka ku xigga.
Dhanka kale, waxqabad la’aanta ka muuqata golaha deegaanka Caasimada Hargeysa, ayaa tusaale u nqonaysa golayaasha kale ee dalka, waxaana jira cabashooyin badan oo ka imanaya bulshada deegaanada dalka, kuwaasi oo ku dhaliilaya golayaashii la soo doortay waxqabad la’aan iyo in aanay masuuliyadii loo dhiibay ka soo baxayn, taasi oo u muuqanaysa in golayaasha deegaanka dalka ee ku soo baxay doorashadii sanadkii hore lagu khasaaray oo ay yihiin dad dano gaar ah u yimid xafiisyada deegaanka ee loo aasaasay hawlaha bulshada ee aasaasiga ah.
Waaheen