Golaha Wasiiradda Somaliland oo Maanta Ansixiyay Odoroska Miisaaniyada Qaranka ee 2015ka DAAWO
Hargaysa 11.Sep 2014 (SDN/QJ)- Shirkii Golaha Wasiirada ee maanta oo uu Shirgudoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Odoroska Miisaaniyad Sannadeedka Qaranka ee 2015.
Waxaanay miisaaniyadan sanadkan 2015-ka ka badan tahay yii hore 30 Milyan oo Dollar, Waxaanay tii sanadkii hore ahayd 220 Milyan oo Dollar
Miisaaniyada sanadkan ee Dawlada dhexe ayaa loo qorsheeyey inay noqoto 180 milyan oo Dollar,halka Ta dawlada Hoose-na ay ka noqonayso 70-Milyan oo Dollar isku geyntooduna ay tahay 250 Milyan oo Dollar.
Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Ayaa Faahfaahin ka Bixiyay Odoroska Miisaaniyada uu Golaha Wasiiradu maanta ansixiyeen Waxaa kale oo uu ka hadlay Hadalo ka soo Yeedhay Madaxda Xisbiyada Mucaaridka .
Hargaysa SDN/QJ
contact@qurbejoog.com