|

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo maanta meel mariyay hindiso Sharciyeedyo la horkeenay

Muqdisho May 16 2013 (SDN)– Shirkii golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee lagu qabtay xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya maanta waxaa guddoominayey Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, waxaana maanta qodobbada inta badan looga hadlay ay ahaayeen ansixin iyo sidoo kale kala qaadasho war-bixinno ku aaddan horumarrada ay gaartay Xukuumadda.

Wasiirka Warfaafinta,Boostada, Isgaariisnta iyo Gaadiidka Mudane C/llaahi Ciil-mooge Xirsi ayaa saxaafadda siiyey faah faahinta shirkoodii, waxa uuna sheegay in ugu horeyn war-bixin dheer goluhu uu siiyay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, sidoo kale in la ansixiyay ilaa lix hindise sharciyeed oo ay soo gudbisay wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya.

Sidoo kale wasiirka Warfaafinta ayaa tilmaamay in la meelmariyay Hindise sharciyeed la xiriirra Arrimaha Dibedda Soomaaliya iyo sharciga la dagaallanka Argagixisada oo ay soo gudbisay wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, kuwaas oo loo gudbin doono Baarlamaanka si ay u oggoladaan.

Dhinaca kale waxa uu xusay wasiirka  in la isku raacay in dib loo howlgaliyo Wakaaladda Howlaha Maraakiibta iyo Wakaaladda Dakedaha Soomaaliya, waxa uu intaa raaciyay in uu golaha wasiirrada uu war-bixin ka siiyay guulaha laga gaaray Saadaashada hawada Soomaaliya oo dhawaan maamulka Hawada ay dowladda laga wareegi doonto.

Shirkii Golaha wasiirrada ee maanta lagu meermariyay in ka badan Shan Hidnise Sharciyeed oo ay hay’adaha Xukuumadda ku howlgali doonaan ayaa ahaa shirkii caadiga ahaa ee Todobaadlaha ahaa, iyadoo dhinaca kale ay jiraan arrimo la xiriirrada Siyaasadda Xukuumadda, sida Mowshinka ay Xukuumadda ka soo gudbiyeen xubnaha Barlamaanka Qaarkooda, haddana waxaa bar bar socda dadaallada horumarrinta adeegga laanta fulinta dowladda Soomaaliya.

Golaha ayaa maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedyo gaaraya 8, una
gudbiyay Baarlamaanka, waxayna kala yihiin Hindise sharciyeeda:

**1. Guddiga Dib-u-eegida iyo Hirgelinta Dastuurka.**
**2. Xafiiska Gardoonka iyo Illaaliyaha Dadweynaha.**
**3. Dhismaha Maxkamadda Dastuurka.**
**4. Golaha Adeegga Garsoorka.**
**5. Guddiga Xaquuqda Aadanaha.**
**6. Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka Dalka.**
**7. Sharciga Arrimaha Dibadda (Foreign Service Law). Iyo**
**8. Sharciga La-dagaalanka Argagixisada.**

IMG_8631 IMG_8645 IMG_8650 IMG_8653 IMG_8666

Comments are closed