Golaha Wasiirada Soomaaliya oo la ansixiyay
Muqdisho. 7 August, 2022 (QJ)- Baarlamanka Federaalka ee dalka Soomaaliya ayaa goor dhawayd ansixiyay Golaha Wasiirada cusub ee raysalwasaare Xamse Cabdi Barre.
237 Xildhibaan ayaa soo xaadirtay kulanka Golaha Shacabka ee lagu ansixinayay Golaha Wasiirada. 229 xildhibaan ayaa ogolaatay ansixinta, 7 Xildhibaan ayaa diiday, hal Xildhibaana wuu ka aamusay, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe.
Ansixintan ayaa ka dhigan in dhawaan ay si rasmi ah xilka ula wareegaan Golaha Wasiiradu isla markaana shaqada bilaabaan, iyadoo ay sugayso hawlo tiro badan.
Shaqada u taala xukuumadda cusub waxa ka mid ah dagaalka kooxda alShabaab, amni caasimadda Muqdisho oo sii xumaanaya, wax ka qabashada abaaraha ba’an ee Soomaaliya ka jira, dib u habaynta dhaqaalaha iyo xidhiidhka dibadda ee Soomaaliya.
Waxa jiray xildhibaano badan oo tabasho qabay balse kulamo badan oo Golaha Wasiiradu la yeesheen beelaha ay kasoo jeedaan xildhibaanada metela ayaa keentay in Golaha la ansixiyo.