|

Golaha Wasiirada Somalia oo Meel Mariyay Xeerka Maamulka Daraasaadka Badaha Somalia

Muqdisho 14.Nov 2013 (SDN)- Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ansixisay xeerka maamulka Hay’adda Daraasaadka Badaha Soomaaliyeed.

133War-qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska raysul wasaaraha Soomaaliya Cabduqaadir Faarax Shirdoon ayaa lugu sheegay in dood iyo falanqayn kaddib uu goluhu wasiirrada ansixiyay xeerka hay’adda, si xal loogu helo dhibaatooyinka badaha dalka.

Hay’adda ayaa lugu wadaa in ay shaqadeedu noqoto cilmi-baaris ay ku samayso badaha dalka iyo arrimaha la xiriira.

Dhismaha hay’adda ayaa qayb ka ah dedaallada ay dawladda federalka ah ee Soomaaliya ku doonayso inay dib u howlgaliso adeegyada kala duwan ee bulshada iyo nidaamkii dowladda ee ku burburay dagaalladii dalka ka dhacay.

Shirka Golaha Wasiirrada ee maanta ayaa lagu soo dhoweeyay go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ku kordhiyay tirada iyo muddada ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgalaya Soomaaliya.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed