Golaha Wasiirada oo Shir Deg Deg ah Isugu Yimid Galabta
Muqdisho, Isniin, June 25, 2012 Waxaa galabta shir aan caadi aheyn isugu yimid xaruntooda Golaha Wasiirada, shirkaas oo uu shir gudoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka KMG ah Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa looga hadlay qodobo kala duwan oo ay kamid yihiin Dastuurka iyo Amniga.
Ugu horreyntii golaha waxaa Ra’iisul Wasaare Dr. Cabid weli maxamed Cali Gaas uga war bixiyey shirkii saxiixayaasha Roadmap-ka kaas oo kadhacay magaalada Nairobi 20-22 bishan, Ra’iisul Wasaare Gaas ayaa sheegay in shirkaas uu ahaa mid taariikhiya oo u soo hoyotay ummadda Soomaaliyeed waxaana laga gaaray is afgarad nuqulkii ugu danbeeyey Dastuurka qabyo qoraalka ah.
Waxaa sidoo kale warbixin laga dhagaysatay Wasiirka Dastuurka iyo Dib-uheshiisiinta Mudane: C/raxmaan Xoosh Jibriil waxaana uu sheegay wasiirku in ummadda Soomaaliyeed ay maanta haysato Dastuur loona soo bandhigayo wakhti aan fogayn.
Waxaa kale oo warbixin goluhu kadhagaysatay Wasiiru Dowlaha Wasaarada Gaashandhiga waxaana uu sheegay wasiirku in ciidanka qaranku ay horumaro la taaban karo ka sameeyeen qaar kamid ah gobolada dalka, sidoo kale wasiirku waxaa uu sheegay in wasaaradu ay waday maalmihii lasoo dhaafay bixiinta mushaaradka ciidanka qaranka.
Dood iyo falaqan badan kadib goluhu wuxuu isku raacay qodobadaan soo socda.
- Golaha Wasiirada wuxuu soo dhaweynayaa in ay dhamaatay shaqadii gudiga madaxa banaan ee dastuurka sida ku xusan go’andii kasoo baxay shirkii saxiixayaasha Roadmap-ka ee ka dhacay magaalada Nairobi 20-22 June. 2012
- Inuu furmayo shirkii ansixinta Dastuurka 12, July, 2012
- In shacabka loo soo bandhigayo Dastuurka 24 saac oo soo socoda iyadoo loo sii marsiinayo qaybaha kala duwan ee warbaahinta
Ugu danbayntii waxaa uu goluhu ansixiyey Gudi Farsamo ee soo xulitaanka ergada.
Magacyada Gudiga Farsamada
1. Bashir Warsame Jama
2. Engineer Abdirahman Mohamed Osman
3. Halima Ismail Ibrahim
4. Mohamed Ali Hayle
5. Fowsia Abikar Nur
6. Dahir Warsame
7. Jama Salad Mohamed
8. Sadiq Abshir Garad
9. Fadumo Jama Jibril
10. Faisa Mohamed Layli
11. Professor Abdullahi Hassan Hussein
12. Dr. Yasin Salah Ali
13. Dayib Mohamed Ali
14. Abdirizak Ahmed Farah
15. Showqi Ahmed Hussein
16. Hamad Hagi Ali Hassan
17. Hassan Ahmed Ibrahim
18. Abdiwahid Sheikh Osman
19. Salim Ma’ow Hagi
20. Abdulle Ahmed Yusuf
21. Abshir Warsame Jama
22. Professor Abdullahi Osman Hiireg
23. Engineer Salah Sheekh Osman
24. Mohamed Aden Ibrahim (Fargeto)
25. Qasim Iidow Ibrahim
26. Sheikh Qasim Ibrahim
27. Halima Omar Ahmed
SDN-Muqdisho
contact@somalidiasporanews.com