|

Golaha Wakiilada Somaliland oo Meel Mariyay Ajandahooda oo ay ka saareen Xeerkii Saxaafada.

 

 

hargaysa 23 Dec.SND : Golaha Wakiilada JSL ayaa fadhigoodii manta oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha golahaasi Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi cod aqlabiyad ah ku ansixiyey ajandaha kalfadhiga 20_aad ee Golaha wakiilada Somaliland.

Ajandaha Kalfadhiga Golaha wakiilada ayaa waxaa qayb ka noqon doona arimo ay ka mid yahiin”

  • Warbixinta shir guddoonka, gudida joogtada ah iyo gudiyada Golaha wakiilada.
  • Xog ogaal u noqoshada xaaladda Dalka.
  • Mashaariicda sharci ee Golaha horyaal.

Sidoo kalena xeerarka lagaga doodi doono kalfadhiga labaatanaad ee golaha wakiilada waxaa ka mid noqon doona

  • Xeerka miisaaniyadda Qaranka
  • Wax ka bedelka Xeerka Qareenada
  • Xeerka Booliska
  • Xeerka maamuuska Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa
  • Xeerka ka ganacsiga Hawlaha baanka
  • Xisaab xidhkii Dawladda ee 2008, 2009, 2010
  • Xeerka Statics-Law

Waxaa kaloo kalfadhigaasi hawlihiisa ka mid noqon doona

  • U yeedhista mas’uuliyiinta Qaranka
  • Ansixinta mas’uuliyiinta Qaranka
  • Xeerarka ka soo noqda Golaha Guurtida iyo waxii kale ee soo kordha.

42 Xildhibaan oo soo xaadiray fadhigii maanta ayaa 35 mudane waxay ogolaadeen ansixinta ajandaha kalfadhiga labaatanaad ee golaha wakiilada, cid diiday ma jirin, waxana ka aamusay lix Mudane, gudoomiyahuna ma codayn, sidaana waxaa ku ansaxay ajandaha kalfadhiga labaatanaad ee golaha wakiilada somaliland.

Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ansixinta ka bacdi waxuu muanayaasha ku wargeliyey in maalinta berri oo Arbaca ah golaha la hor keeni doono miisaaniyadda Qaranka ee sanadkan 2012.

Hargaysa SDN

Comments are closed