Golaha Wakiilada Somaliland oo loo qaybiyay Xisaab Xidhada Miisaaniyadihii 2008 iyo 2009
Hargaysa 06.Feb.(SDN) Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa loogu qaybiyay Xisaab Xidhka Miisaaniyadaha Qaranka ee Sannadihii 2008 iyo 2009.
Fadhigan waxaa Shir Gudoominayay Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax
Xisaab xidhadan oo uu soo gudbiyay hanta dhawraha guud ee qaranku ayaa markii xildhibaanada loo qaybiyay waxa uu Gudoomiyuhu ka dalbaday in Mudanayaashu ay si wanaagsan u soo akhriyaan.
Warku Waxa uu intaas ku darayaa in maalinta sabtida uu Golaha hor iman doono hantidhawaraha guud ee qaranku si su’aalo looga waydiiyo xisaabxidhadan uu Golaha u soo gudbiyay.
Hargaysa SDN.