Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ka Cabanaya Wargayska Xukuumadda Afkeeda Ku Hadla,
Hargaysa14july,2015(QJ/SDN)-Xoghayaha guud ee golaha wakiilada Somaliland iyo xubno ka mid ah shaqaalaha aqalka wakiillada oo shir jaraa’id ku qabtay xaruntooda ayaa sheegay inaanay waxba ka jirin war ku saabsan in Guddoomiye Cirro iyo xoghayaha Wakiilladu leexsadeen Lacag xaqal ciid ah oo shaqaalaha wakiillada loogu talo galay.
“Waxaanu halkan u fadhinaa inaanu ka jawaabno war ay baahisay jariirada qaranka ee Dawan taas oo caadaysatay inay mar walba wax ka sheegto golaha wakiillada, waxaanay sheegtay in gudoomiyaha golaha wakiilada iyo xoghayaha golahaasi ay shaqaalaha ka cuneen xaqul ciidkii la siin jiray shaqaalaha golaha wakiilada,” ayuu yidhi Xoghayaha Wakiillada Cabdirisaaq Siciid Ayaanle.
Cabdi Ismaaciil Xawaadle, agaasimaha maamulka Wakiillada ayaa isna sharaxay hanaanka maaliyadeed ee wakiilada
“waxaan ka jawaabayaa wixii maamulka khuseeya ee arinta la xidhiidha, golaha wakiiladu waxa uu ku dhaqmaa miisaaniyadiisa sida ay wasaaraduhu ugu dhaqmaan, miisaaniyaduna waxay leedahay madax iyo madax xigeen, mushaharka,shiidaalka, ilaa wixii gunooyin ah waxay ku qoran yihiin oo sanadka lagu tala galay buuga miisaaniyadana waxa loo qaybiyaa 82-ka xildhibaan ee golaha,hanti dhawrka, wasaarada maaliyada iyo xisaabiyaha guud intaas oo dhan wuu yaalaa, wax qarsoon oo hoos loo dhigo maaha, wixii kharash ah ee sanadkaas ku baxaya golaha wakiilada halkaas ayey ku wada cada yihiin,” ayuu yidhi Agaasimaha Maamulka Wakiilada Somaliland.
Xoghaye xigeenka wakiilada ayaa isna sheegay inay wargeyskii afka qaranka ku hadlayay ka hor taagan yihiin golihii wakiilada Joornaalkani waa kii qaranka waanay nagu adag tahay inaanu ka difaacno golihii qaranka, waana been warkaasi waxaanan odhan lahaa joornaalka qaranku raali gelin haka bixiyo warkaas.”
Hadalka Shaqaalaha wakiillada Somaliland ayaa imanaya maalin uun ka dib markii wargeyska dawladda ee Dawan baahiyay war ku saabsan in Guddoomiye Cirro musuqmaasuq ku qaatay lacag xaqal ciid ah oo shaqaaluhu xaq u leeyahay. Wargeyska oo soo xiganaya dad shaqaale uu ku sheegay oo magacooda la qariyay ayaa ku maray inay shaqaaluhu aad uga xumaadeen talaabada lagu leexsaday lacagtooda.
Hargeysa:QJ/SDN