Golaha Wakiilada Somaliland oo Duuduub ku ansixiyay Miisaaniyada 2013ka
Hargaysa 30 Dec.(SDN)
Golaha Wakiilada ee Somaliland ayaa fadhigoodii maanta si duuduub ah u ansixiyeen Miisaaniyada Qaranka ee 2013.
Fadhigan oo uu Shirgudoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro isla markaana ay ka soo xaadireen 44 Mudane.
Gudoomiyaha Gudida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiilada Mudane Maxamed Maxamud Cumar Xaashi ayaa ka warbixiyay Miisaaniyada Qaranka ee Golaha la horkeenay ayaa tilmaamay in Miisaaniyadani ay ka muuqato mashaariic horumarineed oo tiro badan isla Markaana u baahan sidii tixgelin gaar ah uu goluhu u siin lahaa,Gudoomiyaha Gudida Dhaqaalaha ee Golaha Wakiiladu waxa uu ka dalbaday in iyadoo laga duulayo in Miisaaniyadani ay tahay tii u horaysay ee Golaha la hor keeno iyadoo aanu dhamaan sanadku ay soo jeedinayaan Mudanayaasha Golaha Wakiiladu inay ansixiyaan Miisaaniyada Qaranka ee 2013-ka waxaa kale oo ay soo jeediyeen in la dhamaystiro shuruucda kaabayaasha u ah Miisaaniyada,in golaha la hor keeno xeerarkii ay ku shaqayn lahaayeen qaar ka mid ah hay’adaha dawlada oo Miisaaniyada ku jira ,hadii kale laga saaro miisaaniyada,waxaa kale oo Warbixinta Gudida dhaqaalaha ka mid ah in la mideeyo hay’adaha dawlada ee miisaaniyada ku jira isla markaana la isugu geeyo intooda is leh.
Markaas kadib waxay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ee Somaliland Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro uu Mudanayaasha u soo jeediyay inay kala doortaan in dood ay ka yeeshaan Miisaaniyada iyo in si duuduub ah ay ku meel mariyaan,waxaana cod u qaadis loo sameeyay ay isku raaceen in si duuduub ah Miisaaniyada loo meel mariyo .
Odoroska Miisaaniyadan ayaa ku ansaxday 36 Xildhibaan oo ogolaaday in Miisaaniyadu sidaas ku ansaxdo,halka ay ka diideen Shan Xildhibaan isla markaana ay ka aamuseen Laba Xildhibaan Gudoomiyuhuna Ma uu codayn.
Miisaaniyada uu Golaha Wakiiladu ansixiyay ayaa Guud ahaan dhan Boqol iyo shan iyo sideetan Milyan oo Dollar,iyadoo boqolkiiba Todoba iyo Toban,ka badan tahay tan sannadkan dhamaanaya,warku wuxuu intaas ku darayaa inay boqolkiiba toban ku baxayso Mashaariic horumarineed sida derejooyinka Ciidamada,Beeraha,
Hargaysa SDN