Golaha Wakiilada Somaliland oo durduro ku ansixiyay xeer ay maalmo kooban ka doodeen, fasax 45 maalmood ahna galaya
Hargeysa 23, October 2012 (SDN)- Mudaneyaasha golaha Wakiilada Somaliland, ayaa durduro ku ansixiyay xeerka mihnadleyaasha Caafimaadka Somaliland oo ay maalmo kooban ka doodayeen wax-ka-bedel iyo kaabis lagu sameeyay.
Fadhigii maanta oo uu shirgudoominayay guddoomiye kuxigeenka 1aad ee golahaas Baashe Maxamed Faarax, wax aka qaybgalay 42 mudane oo ka tirsan 82-ka xubnood ee golaha Wakiiladu ka kooban yahay.
Xeerka Mihnadleyaasha Caafimaadka Somaliland oo golaha todobaadkan uun loo qaybiyay, ka dib markii wasaaradda Caafimaadku wax-ka-bedel iyo kaabis ku samaysay, waxa ansixintiisa cod gacan-taag ah ku ogolaaday 37 xubnood, 2 way diideen, laba kalena way ka aamuseen, guddoomiyuhuna ma codaynin, iyadoo uu sidaas ku ansaxay wax-ka-bedelka iyo kaabista xeer LR/19/2001.
Goluhu waxay ansixintan ku meelmariyeen in si duuduub ah lagu ansixiyo kaabista iyo wax-ka-bedelka xeerkaas oo maalmo kooban ka hor uun loo qaybiyay nuqulada uu ka kooban yahay.
Dhinaca kale, Shirguddoonku waxa uu shaaciyay inuu galayo fasax 45 maalmood ah, kana bilaabmaysa Axadda soo socota (October 28 2012).
Qurbejoog.com, Hargeysa
editor@somalidiasporanews.com