Golaha Wakiilada Somaliland oo beri u balamay ansixinta Xeerka Komiishanka Maamul Wanaaga ,Gudi loo saaray Xeerka Booliska , Iyo Mooshin ku wajahan Xeerka Caasimada
Hargaysa 6 Jan.(SDN) Golaha wakiiladda ee Somaliland fadhigiisii maanta oo uu shirgudoominaayey gudoomiyaha golahaas md. c/raxman maxamed c/laahi ayaa mudanayaasha waxaa loogu gudbiyay xeerka komishanka maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa , oo golaha guurtidu wax ka badal ku soo sa meeyeen .
Xeerkan ayaa golahu u balamay inuu gudo galo ansixintiisa maalinta baria ah.
Ka dib waxa goluhu u saaray guddi isku soo duba rida xeerka booliska oo goluhu hore uga dooday , gudidaas oo ka kooban xubnahan:
1.Md.Siciid Cilmi Rooble. 2. md.maxamed jaamac cabdi 3.md.maxamed bilaal saalax 4. md.cali gabiley 5. md.farxaan maxamed cali iyo la taliyaha sharciga ee golaha wakiiladda .
Dhanka kale Gudoomiyaha golaha md. Cabdirahxmaan maxmed cabdilaahi ayaa mudanayaasha u soo jeediyay magacyada sagaal iyo toban xildhibaan oo fadhiga kusugnaa kana mida ah soddon xildhibaan oo golaha u soo gudbiyay mooshin ku saabsan xeerka caasimadda dalka,waxaanu gudoomiyuhu mudanayaasha ku wargaliyey inay maalinta salaasadda ah ee todobadka danbe goluhu guda gali doono ansixinta masuuliyiin Qaran oo horyaala.
Hargaysa SDN