Golaha Wakiilada oo Xog Waran ka dhagaystay Wasiirka duulista Hawada iyo Dareenka ka taagan lacagta 10$ ah ee Madaarada ay ku qaadaan.
Hargaysa 19Jan.(SDN) Golaha wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta Waxay warbixin kaga dhegaystay Wasiirka wasaarada Duulista hawada Md maxamuud Xaashi cabdi,oo Sharaxaad ka bixiyay Lacagta Tobanka Dollar ah ee ay ku qaadaan Madaarada.
Wasiirka Duulista hawada waxa uu sheegay in guud ahan qaranka somaliland ka kooban yahay hay’ado dawli ah oo iskaabaya danta qarankana xil ka wada saaran yahay, mas’uuliyiintuna waxay diyaar u yihiin in la is dhaliilo.
MdMaxamud Xaashi Cabdi Wasiirka Duulista iyo Hawada oo ay wehelinayeen mas’uuliyiin ay ka mid yahiin agaasimaha guud ee wasaaradda iyo agaasimahii maamulka ayaa faahfaahin ka bixiyey xeer ay maanta golaha hor keeneen oo ah xeerka Takaaliifta ammaanka garoomada diyaaradaha somaliland oo ah xeer ay golaha wasiiradu soo ansixiyeen qayb ka mid ahina tahay lacagta 10-ka Doollar ah ee gegooyinka diyaaradaha lagaga qaado dadka safarka ah.
Wasiirka oo sharaxay ujeedada laga leeyahay xeerkan ayaa sheegay in loogu talo galay kobcinta dhaqaalaha iyo kor u qaadista amniga garoomada diyaaradaha si ay ugu soo dhiiradaan shirkadaha duulmaadada ee dalalka shisheeyaha, waxana uu tibaaxay in somaliland looga fadhiyo inay dhaqan geliyaan shuruucda caalamiga ah ee laga doonayo garoomada diyaaradaha.
Mudanayaasha qaarkood ayaa wasiirka weydiiyey su’aalo ku saabsan xeerka takaaliifa ammaanka garoomada diyaaradaha iyo saamaynta ay xeerka ku leedahay lacagta 10-ka Doollar ahi, halka sidoo kalena mudanayaasha wasiirka weydiiyeen isu dheellitirka shaqaalaha wasaaradiisa oo ay aad ugu yar yahiin dadweynaha degan gobolada Sool iyo sanaag. iyadoo wasiirku ka garaabay arintaasi isla markaana ballanqaaday inay wasaarad ahaan u qorshaysan tahay inay shaqaalaha dambe ka qaataan gobolada la xusay.
Axadda beri ayaa mudanayaashu u ballameen inay ka doodaan xeerka takaaliifta ammaanka garoomada diyaaradaha Somailand, Waxaana soo baxaya Loolan Xoogan oo ay Mudanayaal badani kaga soo hor jeedaan Sharciyada Xeerkan isla markaana ku doodaya inay markii horeba hab Xaaraan ah lagu qaadi jiray Tobanka dollar ee Madaarada dalka lagu qaado ,Maadaama aanay jirin Ansixin Golaha Wakiiladu u Sameeyay ,Geesta kale Xildhibaano Xidhiidh la leh Aqalka Madaxtooyada ayaa guclo ugu jira sidii loo meel marin lahaa Takaaliftan oo ay Sheegeen inay ku Jirto Maslaxada amaanka Madaarada ,Sidoo kale Dadweynaha ayaa dhankooda isha ku hayaan qaabka ay Golaha Wakiiladu ka yeelaan Takaaliiftan oo aan ku jirin Miisaaniyada Qaranka ee 2013ka .
Hargaysa SDN.