Golaha Wakiilada oo Wasiirka Maaliyada Su’aalo ka weydiiyay Odoroska Miisaaniyada Qaranka 2013
Hargaysa 29 Dec (SDN)
Wasiirka Wasaarada Maaliyada Mudan C.casiis Maxamed Samaale ayaa maanta Hortagay fadhigii Golaha Wakiilada ee Somaliland Isla markaana lagu weydiiyay Su’aalo ku wajahan Miisaaniyada Qaranka oo Maalintii Arbacadii la horkeenay Golaha.
Fadhigan oo uu Gudoominayay Gudoomiye kuxigeenka Kowaad ee Golaha Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa waxaa Wasiirka lagu waydiinayay Su’aalo ku saabsan Miisaaniyada Qaranka.
Iyadoo xildhibaanadu ay Wasiirka aad ugu amaaneen sida wanaagsan ee uu uga soo gaadhsiiyay Miisaaniyada Qaranka ee 2013ka Xili aanu dhamaan Sannadka 2012ka
Waxa kale oo xildhibaanadu wax ka waydiiyeen wasiirka tacriifadaha la kordhiyay, taas oo uu wasiirku kaga jawaabay in waxyaalaha ay kordhiyeen ay yihiin waxyaalo aan muhiim ahayn laakiin, cashuurtan la kordhiyay ay u taalo Golaha Wakiilada si ay u ogolaadaan.
Mudane C.casiis Maxamed Samaale waxa uu sheegay in Miisaaniyadan ay ka Muuqato korodh aad uga badan tii kal hore isla markaana ku jiraan Mashaariic horumarineed oo tixgelin gaar ah u baahan.
Wasiirka oo wax laga weydiiyay inay kordhiyeen Cashuuraha laga qaado dadka ka soo dega Madaarada waxa uu cadeeyay in Wasaarada Duulista iyo Hawadu ay qaado khidmad uu Golaha Wakiiladu ansixiyay isla markaana aanay wasaarad ahaan aanay wax shaqo ah ku lahayn Khidmadaas.
Wasiirka Maaliyadu waxa uu baaq u soo jeediyay dhamaan ganacsatada Somaliland oo uu ka dalbaday inay bixiyaan Cashuuraha ku waajibay isagoo Golaha Wakiiladana ka codsaday inay Miisaaniyadan ansixiyaan si ay u dhaqan gasho 01.01.2013ka oo ay laba cisho inaga xigto.
Hargaysa SDN