Golaha Wakiilada oo Meel mariyay Xeerka Booliska Somaliland oo Mudo badan hor yaalay
Hargaysa 05.October 2013 (SDN)- Fadhigii maanta ee golaha wakiiladda oo uu shir gudoominayay gudoomiyaha golaha wakiiladda j s l md cabdiraxmaan maxamed cabdilaahi ayaa mudanayaasha gilahaasi waxay cod gacan taag ah ku meel mariyeen xeerka booliiska j sl iyo mooshin ku saabsan inay xildhibaanada goluhu mushaharadooda boqol doolar uga jaraan mashruuca wadada ceerigaabo muddo sanad ah.
fadhigaasi oo ay ka soo xaadireen sagaal iyo afartan mudane ayaa markii cod gacan taag loo qaadey ansixinta xeerkaasi booliiska xeer number lixdan iyo sedex 2013 ayaa waxa ogalaaday shan iyo sodan mudane waxaa diiday sedex mudane waxaana ka aamusay toban mudane, gudoomiyuhuna ma codaynin, sidaas ayaanu ku ansaxay xeer number 63 /2013
Geesta kale mudanayasha golaha wakiiladdu waxa ay cod gacan taag ah u qaadeen mooshin ay keeneen golaha xildhibaano golaha ka tirsan oo ku saabsanaa in ay mudanayaasha wakiiladdu ay musharkooda boqol doolar uga jiraan dhismaha wadada ceerigaabo iyo burco isku xidhi doonta,
Waxaana cod gacan taagis ah ku ogolaaday sedex iyo sodan mudane waxa diiday todoba mudane waxaana ka aamusay sedex mudane gudoomiyuhuna muu codayn.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com