|

Golaha Wakiilada oo loo qaybiyay Xeerka Takaaliifta Amniga Madaarada .

Hargaysa 20.Jan.(SDN)

Fadhigii Maanta  ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland oo uu  Gudoominayay Gudoomiyaha ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiiladu mudane Baashe Maxamed Faarax, ayaa waxaa xildhibaanada loogu qaybiyay Xeerka Takaaliifta Amniga Madaarada Jamhuuriyada Somaliland.

Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilada C.risaaq Siciid Ayaanle ayaa Mudanayaasha u akhriyay  dikreetadii Madaxweynaha ee Xeerkan Takaaliifta Amniga Madaarada .

Gudoomiye ku Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada Mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa Xildhibaanada ku Wargaliyay in dooda Xeerkan ay Guda Geli doonaan Maalinta Beri ah.

Hargaysa SDN.

Comments are closed