Golaha Wakiilada oo ansixiyay Xeerka Hab Maamuuska Madaxweynaha iyo Ku Xigeenkiisa
Hargaysa 18.June (SDN) Fadhigii maanta ee Golaha wakiilada Somaliland oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha Golahaasi Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa xildhibaanadu waxay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen xeerka maamuuska Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo Mudanayaasha Baarlamaanka Xeer No/62/2013.
Mudanayaasha soo xaadiray fadhigii manta oo tiradoodu dhamayd 44 Xildhibaan ayaa ansixinta xeerkaasi waxaa ogolaaday 38 Mudane, waxaa diiday 2 Mudane waxaa ka aamusay 3 Xildhibaan Gudoomiyahuna ma codayn sidaana waxaa ku ansaxay Xeerka maamuuska Madaxweynaha, Madaxweyne ku xigeenka iyo Mudanayaasha Baarlamaanka oo ah xeer No/62/2013.
Intaa ka bacdina Gudoomiyaha Golaha wakiiladu waxa uu sheegay in fadhigu xidhan yahay.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com