Golaha Muslimiinta Kenya Oo Ku Baaqay In La Beddelo Hoggaanka Ammaanka Mombassa
Mombasa:Nov,23,2014(SDN/QJ)-Goleweynaha Muslimiinta Dalka Kenya, ayaa baaq ay soo saareen ku sheegay in loo baahan yahay in la beddelo Madaxda Laamaha Ammaanka Mombasa.
Golahan oo lagu magacaabo SUBKEM ayaa laanta ay ku leeyihiin Deegaanka Gaarisa waxa ay ku baaqeen in baahi weyn loo qabo sidii loo beddeli lahaa hoggaanka xukuumadda u qaabilsan ammaanka Mombasa.
Culmaa’udiinkan ayaa cambaareeyay talaabada ay laamaha amaanka ay ugu dhaceen masaajidyo dhowr ah kuwaasi oo albaabada ay isugu dhufteen.
Culmaa’udiinka muslimiinta ayaa ugu baaqay dowladda in ay xakameyso talaabooyinkeeda marka ay la dagaalamayso dambiiliyaasha
Abdullahi Salat oo ah Gudoomiyaha SUBKEM laantooda gaarisa ayaa sheegay in dowladda si deg deg ah loogu baahanyahay in badalaad ay ku sameeyo madaxada amaanka ee mumbaasa isagoo sheegay in ay ku guul daraysteen suguda amaanka gobolka xeebta.
Sidoo kale Xildhibaanka laga soo doorto degaanka Kisuoni Rashid Bizimba ayaa ku baaqay in la furo masaajidyada ay xidheen laamaha amanaka ee Mumbaasa.
Shalay oo ugu dambaysay ayaa deegaankaas meel sidaas uga fogayn waxa lagu laayey Soddon ka tirsan dadka Kenya, kuwaas ay dilkooda sheegteen kooxaha Shabaabka, isla-markaana loogu aarguday Dhibaatada lagu hayo muslimiinta Mombassa.
SDN/QJ