Golaha Midnimada iyo Cadaalada Puntland oo ka hadlay Maamul Wanaaga iyo Arimaha Gudaha ee Dowlada Puntland
Ujeedo: Maamul Wanaaga iyo Arimaha Gudaha ee Dowlada Puntland
Ku: Xukuumada Dowlada Puntland Rugta: Garowe, Puntland
OG: Golaha Wakiilada Rugta: Garowe, Puntland
OG: Isimada Puntland Rugta: Gudaha Puntland
OG: Dowlada Federaalka Rugta: Muqdisho
Hadaanu nahey Golaha Midnimada iyo Cadaalada Puntland waxaanu Warsaxaafadeedka kasoo saareyna labada arimood ee kor ku xusan iyadoo labadaasi arimood ay yihiin aas aaska Dowladnimo iyo horu socodsiinta koboca Puntland, Sidaa awgeed ayaanu Warsaxaafadeedkan kusoo saarney.
MAMUL-WANAAGGA
Golaha Midnimada iyo Cadaalada Puntland, GMCP wuxuu aaminsanyahay in saldhiga maamul-wanaaggu ay tahay Cadaalad taam ah oo si guud u dhaqan gasha la helo, taasoo ka duulaysa han iyo himilo aragti dheer, daah-furnaan, wada-tashi iyo wada-lahaansho, Sidaa daraadeed, GMCP wuxuu aaminsan yahay KUNA BAAQAYAA HIRGELINTEEDA:
1. In dhaqan-gelinta maamul baahsan oo Gobolada iyo Degmooyinka idil ee ka jira Puntland in loo maro wadada cadaalada si loo helo maamul Wanaag iyo midey dadku ka wada raali yihiin.
2. In loo xulo xilkasta xubintii ku habooneyd iyadoo lagu xulayo aqoon iyo karti lagana fogaanayo eexasho qabiileed. Wuxuu aaminsan yahay in lala dagaalamo lagana hortago musuqmaasuqa iyo eexda aafeeyey intey Dawlada Puntland jirtey.
3. In laga guuro nidaamka ku habsadey intey Puntland jirtey ee ku kooban Dhabaha Laamiga ah magooliyinka ku yaala loona gudbo gobolada iyo Degmooyinka ka fog dhabaha laamiga.
4. In la taaba geliyo dhamaan Hay’adaha Qaran ee is-ilaaliya isna dheelitira (check and balance institutions) si masuul kastaa u dareemo in lala xisaabtami karo.
5. Goluhu wuxuu aaminsan yahay in kala saarayaa siyaasadda iyo maamulka, isla markaana xukuumada talada haysa ay damaanad qaado in shaqaalaha dawladdu (civil servant) noqdaan kuwo ka madax-banaan, kana badbaada isbedelada uu keeno loolanka siyaasaddu.
ARRIMAHA GUDAHA
Golaha Midnimada iyo Cadaalada Puntland, GMCP, waxa uu qirsan yahay in arimaha Gudaha ee Dowlada Puntland oo la hagaajiyo loona maro wadada cadaalada ah iney tahey waajib dastuuri ah iyadoo uu Goluhu ogsoon yahay in hadii arimaha Gudaha ee Dowlada Puntland ay ku dhisanyihiin dhidibo adag oo cadaalad ah ay horseedeyso in dhamaan deegaanada Dowlada Puntland ay samo iyo barwaaqo ku sugnaan doonaan.
Goluhu wuxuu aaminsan yahay in wasaaradda Arrimaha Guduhu ay tahey halbowlaha jiritaanka dawladnimada Puntland, waxayna mas’uuliyadeedu saameysaa Amniga iyo xasiloonida gudaha, maamulka gobollada iyo degmooyinka, tirakoobka muwaadiniinta iyo ajaanibka dalka ku sugan iyo xidhiidhka iyo kobcinta kaalinta madax-dhaqameedka, sidaa awgeed Wasaaradaasi waa tiirka 1aad ee ay waajibku tahey in lagu dhaqo cadaalad iyo sinaan iyadoo aan eex iyo sadbursi lagu sameyneyn.
Wa Billaahi Tawfiiq.
Abdirisaaq Maxamed Cali
Golaha Midnimada iyo Cadaalada Puntland
Midnimo ● Cadaalad ● Horumar