|

Golaha Guurtida Somaliland oo Warbixin ka dhagaystay Gudida Wanaag Farista iyo Xumaan reebista,iyo Dood Goluhu ka yeeshay arrimaha bulshada.

Hargaysa 20.Jan.(SDN) fadhigii maanta ee Golaha Guurtida Somaliland oo uu shir gudoominayey Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Guurtida Md Siciid Jaamac Cilmi  ayaa mudanayaashu waxay warbixin ka dhegaysteen  gudida wanaag farista iyo xumaan reebista ee dalka JSL. halka sidoo kalena ay dood ka yeesheen qodobka shanaad ee dhaqanka iyo arimaha bulshada oo ka mid ahaa ajandayaasha kalfadhigan socda.

Gudida wanaag faristu waxay u soo jeediyeen Golaha Guurtida in ay maalinba ta xigta soo kordhayaan qorshayaal abaabulan oo qaab khaldan loogu sahlayo dhalinyarada inay xadgudub ku dhacaan, waxana gudidu tilmaameen in beryahan dambe gudida wanaag faristu la socotay xarumo laga furay caasimadda oo lagu sheegayo in dhalinyarada dhaqanka lagu barayo, hase yeeshee aanay shareecada islaamku ogolayn in la is dhex geliyo hablaha iyo wiilasha ajnebiga iska ah.

Gudida wanaag faristu waxa kale oo ay qaylo dhaan ka soo jeediyeen caruurta derbi jiifka ah oo ku soo badanaya magaalooyinka waaweyn ee dalka waxayna ka dalbadeen golaha guurtida inay ka hawlgalaan sidii caruurtaasi oo 80% u badan reer somaliland loogu xerayn lahaa xarumaha cusub ee loo sameeyey.

Qodobka sadexaad ee ay gudida wanaag faristu hor dhigtay golaha guurtida ayaa ahaa digniin ay ka jeediyeen maandooriyaha  sida uu maalinba ta xigta ugu soo badanayo dalka gudihiisa, waxana ay soo jeediyeen in la mamnuuco xarumaha lagu iibiyo kiniinka la isku daroogeeyo.
Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa fadhigoodii maanta waxay ku kala aragti duwanaadeen doodii ay ka yeesheen qodobka shanaad ee ajandaha kalfadhigooda oo ka hadlaya arimaha dhaqanka iyo bulshada.

Hargaysa SDN.

Comments are closed