Golaha Guurtida Somaliland oo Maanta uu u furmay Kalfadhigoodii Kontanaad
Hargaysa 04.April (SDN) Golaha guurtida ee jamhuuriyadda s/land ayaa maaanta waxaa si rasmi ah ugu furmay kalfadhigoodii kontanaad ee mudanayaasha golahaasi gudo galaan
Gudoomiyaha golaha guurtida Md: Saleebaan Maxamuud Aadan {Saleebaan Gaal} oo si rasmi ah ugu furay mudanayaasha golaha guurtida kalfadhigoodii kontanaad ayaa wuxuu gudoomiyahu ka hadlay xaaladda amaan ee uu haatan maraayo dalku iyo kalfadhigii aan caadiga ahayn ee uu golahan guurtidu yeeshay,
Md Saleebaan waxa uu sheegay in Guddida doorashooyinka qaranku ay soo gudbiyeen warbixin ku saabsan in aanay waqtigii ku haboonaa aanay qaban Karin doorashadda golaha wakiiladda oo xilligoodii dhammaaday, madax weynuhuna waxuu ku soo lifaaqay warqad taladii guddida doorashooyinka qaranka lana soo gaadhsiiyey golahan guurtida si ay waajibaadkoodii ka gutaan ,golahuna wuxuu muddo kordhin dhan labo sanno u sameeyey golaha wakiiladda iyagaa golahan guurtidu gudanaayeen waajibaadkooda qaran .
Gudoomiyaha golaha guurtida ayaa tilmaamay in la sababeeyo dib udhicii ku yimid doorashadda golaha wakiiladda oo sanadkani qabsoomi lahayd wixii shuruuc ahna ee qabyo ah la saxo doorashaddan muddo loo qabto ,halka sidoo kalena uu gudoomiyuha golaha guurtidu shaaca ka qaaday in xilli isku mid ah ay wado dhici doonaan doorashooyinka Madaxtooyada iyo tan golaha wakiiladda,waxaanu ugu baaqay xisbiga ucid inay joojiyaan wixii shir beeleed ah ee qaranka dhibaato ku keeni kara, imikana waxaynu samaysanay golayaal sharci dajin ,xukuumad iyo shacab.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com