|

golaha guurtida somaliland oo kalfadhigoodi maanta dood kaga yeeshay siyaasada arrimaha gudaha dalka

Golaha guurtida Somaliland ayaa fadhigoodii maanta oo uu shir gudoominaayey gudoomiyaha golaha guurtida md: saleebaan maxamuud aadan waxa ay dood ka yeesheen qodobka siyaasada arimaha gudaha ee wadanka ooka mid ah ajandayaasha horyaala golaha

Mudanayaasha golaha guurtidu waxay aragtiyo kala duwan kabixiyeen qodobo ay ka mid yihiin :

Arrinta nabadaynta gobolada barri gaar ahaan deegaaanka buuhoodle oo ay qaarkood ku tilmaameen inay faro gelin ku hayaan maamulka puntland ee ka tirsan dal;ka aynu jaarka nahay ee samalia waaxana ay nudanayaashu  sheegeen in faro galintasi ay saamayn ku yeelanayso hawlihii nabadaynta ee goboladaasi

Mudanayaashga ayaa doodi manta waxa ay kaloo ku soo qaadeen in xiligan anay jirin deegaanada galbeedka Somaliland wax shaqaaqo ah ooka oogan loona baahan yahay in la sii adkeeyo nabada guud ahaaneed ee Somaliland

Sida lawada ogyahay golaha guurtida somaliland ayaa waxa vuu dhawan gudo galay ajandayaasha kalfadhiga 48-aad oo si habsami leh usocda

Comments are closed