Golaha Guurtida oo Warbixin ka Dhagaystay Wasiirka Beeraha ee Somaliland
Hargaysa 04.Feb 2014 (SDN)- Fadhigii Golaha Guurtida ee JS loo uu shir gudoominayey G/xigenka Golahasi Md Siciid Jaamac Cali ayaa mudanayaashu waxay warbixin ka dhegaysteen wasiirka wasaaradda Beeraha Proffosor Faarax Cilmi Geedoole,
Wasiirka Beeraha oo ay wehelinayeen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradiisa ayaa ugu horayn ku wargeliyey xildhibaanada in Ayax ka dillaacay deegaano Somaliland ka mid ah sida Magaalooyinka Laasqoray, Balli-dhiig, Bullo-Xaar, Lughaya iyo qaybo ka mid ah Gobolka Salal
Proffosor faarax Cilmi Geedoole waxa uu sheegay inay wasaarad ahaan qaylo dhaan badan ka sameeyeen dhibaatada ayaxu ku reebi karo dhul daaqsimeedkii deegaanadaas ku yaallay , taasoo ay ka heleen jawaabo degdeg ah isla maanta oo Salaaso ahna ay dalka soo gaadheen khubaro iyo hay’ado caalami ah oo ka kala yimid magaalooyinka Addis-ababa, Roma iyo qaahira, kuwaas oo hawsha ay u socdaan ay tahay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada ayaxu ku sababi karo deegaanka.
Wasiirka oo ka hadlayey qoryashayaasha wasaaradiisa ee ku aaddan ka hortagga waxyeelada Ayaxa ayaa sheegay in ay Midowga Yurub kala hadleen dib u dhiska xaruntii la dagaalanka ayaxa ee Somaliland.
Dhanka kale wasiirka wasaaradda Beeraha ee Somaliland waxa uu xusay in wax soo saarkii beeraha ee Somaliland uu hoos u dhac ku yimid qiyaastii soddon kun oo Ton sanadkii 2013 marka la dhinac dhigo sanadkii ka horeeyey ee 2012.
Isagoo ka hadlayey dhinaca tayaynta qiimaha dalagyada u soo go’a beeraleyda Somaliland waxa uu sheegay in markii uu xafiiska qabtay uu warqad u qoray hay’adda WFP kuna wargeliyey in aanay dalka keeni Karin wax raashin ah oo la mid ah ka beeraleyda Somaliland beerato, gaar ahaan xiliga dalagyadoodu soo go’ayaan. Ciidamada qaranka-na uu u soo jeediyey inay quutul daruuri ka dhigtaan cuntooyinka maxalliga ah ee dalka laga beero, wadankana laga hirgeliyey labo shaybaadh oo mid ka mid ahi baadhayo camuudda wax laga beerto
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com