|

Golaha Guurtida oo mar kale la hor gaynayo xeerarkii doorashooyinka

Hargeysa. 9 October, 2022. (QJ)- Mucaaradka Somaliland ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday dedaalo sharci oo ay ku rabaan in xeerarkii doorashooyinka ee Golaha Wakiiladu meel mariyeen la hor keeno Golaha Guurtida.

Xogo ay heshay warbaahinta Qurbejoog ayaa xaqiijinaya in dedaaladaasi gebagebo ku dhow yihiin, isla markaana la filayo in Golaha Guurtida la hor geeyo xeerarka.

Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Gaal ayaa Isagu si iskii ah u celiyay xeerarka iyada oo aanu wax sharciyad ah u haysan, arintaas oo shacabka, xisbiyada iyo garyaqaanadu diideen.

Xeerarka ayaa qeexaya dhabaha doorashooyinka lagu muransanyahay ee Somaliland, waana xalka kaliya ee imika banaan. Waxay dhigayaan in labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Ururada hal mar la wada qabto.

Madaxweynaha Somaliland ayaa isagu raba in doorashada ururada la qabto xili uu helay muddo kordhin aan lagu heshiin.

Comments are closed