Golaha Guurtida oo dood ka Yeeshay Siyaasada Guud ee Arrimaha Bulshada Somaliland
Hargaysa 05.Jan 2014 (SDN)- Fadhigii maanta ee golaha guurtida Jamhuuriyada Somaliland oo uu shir gudoominayey, Gudoomiyaha Golaha Md, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa mudanayaasha golahu waxay dood ka yeesheen qodobka shanaad ee ajandahooda oo ku saabsan siyaasada arrimaha bulshada .
Mudanayaashu waxa kale oo fadhigaas ay si qoto dheer ugaga doodeen qodobada kala ah dhaqanka iyo hidaha, nadaafada guud ku wacyigalinta bulshada hab dhaqanka dawladnimo, iyo sidii looga digtoonaan lahaa saamayta bulshada ay ku yeeshaan mukhadiraadka iyo balwadahu.
Dhanka kalana waxa mudanayaashu soo jeediyeen in mudaharadada dalka ka dhaca siyaasad cad xukumadu ka soo saarto sida loola tacaalayo .
Gaba gabadii fadhigaas gudoomiyaha golaha guurtida ayaa mudanayaasha u soo jeediyey hadal dardaaran ah oo la xidhiidha xasiloonida iyo nabadgalyada dalka ka jirta.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com