|

Golaha Guurtida ee Somaliland oo Meel Mariyay Qodobada Ajandaha Kalfadhigooda 49aad.

Hargaysa 09,Jan (SDN)

Golaha Guurtida JSL ayaa fadhigoodii maanta Ayaa Cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Ajanddaha Kalfadhigooda 49aad ee Caadiga ah.

Fadhigan oo uu shir gudoominayey Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Golahaasi Siciid Jaamac Cilmi ,ayaa u soo Jeediyay Xildhibaanada Golaha Guurtida ka dalbaday inay ansixiyaan ajandaha,maadaama sida uu sheegay ay doodiisu soo dhamaatay.

Markaas kadib waxay mudanayaasha golahaasi cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen ajandaha kalfadhiga 49-aad ee Golaha Guurtida Somaliland oo ay wax ka bedel iyo kaabis ku sameeyeen.

Fadhigii manta oo ay soo xaadireen 49 mudane ayaa cod u qaaday    ansixinta ajandaha kalfadhiga 49=aad waxaana ogolaaday 41 Mudane, waxaa diiday 6 Mudane, waxaa ka aamusay hal mudane Gudoomiyahuna ma codayn sidaana waxaa ku ansaxay ajandaha kalfadhiga 49-aad ee wax ka bedelka lagu sameeyey kaasoo qodobadiisu ka koobnaan doonaan sidan:

  • Warbixinta Shir Gudoonka
  • Warbixinta Gudiga Joogtada ah
  • Siyaasadda Gudaha iyo Dibadda
  • Nabadgelyada iyo Horumarinteeda
  • Caqabadaha hortaagan xoojinta amniga iyo nabadgelyada
  • Arimaha Bulshada, Dhaqanka  iyo garsoorka
  • Fayo dhowrka deegaanka iyo xog waraysiyo lala yeelan doono mas’uuliyiin ay ka mid yahiin:
  • Wasiirada wasaaradaha Arimaha Gudaha, Cadaaladda, gaashaandhiga, Warfaafinta, Beeraha, Deegaanka, iyo waxyaabahii kale ee soo kordha.

Hargaysa SDN

 

Comments are closed