Golaha Deegaanka Gabiley Oo Cod Aqlabiyad ah ugu Doortay Maayarka Gabiley waa kuma
Gabiley 25Dec12 (SDN)Deegaanka Degmadda Gabiley ayaa goor dhaweyd Maayar u doortay Shacayb Maxamed Muuse oo ka soo baxay Xisbul Xaakimka Kulmiye, halka ay Maayar ku xigeenka u doorteen Cabdi Iid oo laga soo dooray Urur Siyaasadeedka Umadda.Maayarka cusub ee Degmadda Gabiley Shucayb Maxamed Muuse ayaa waxa u codeeyey 15 Xildhibaan, kuwaas oo si rasmi ah ugu doortay Maayarka Degmadda Gabiley.Maayar ku xigeenka cusub ee Gabiley Cabdi Iid ayaa waxa isna u codeeyey 12 Xildhibaan, halkaas oo uu ku noqday Maayar ku xigeenka Degmadda Gabiley.Maxakamada Gobolka Gabiley ayaa saaka si rasmi ah u dhaarisey 21 Xildhibaan ee Golaha Deegaanka Degmada Gabiley iyada oo Jagadda Maayarka Gabiley ay ku Tartamayeen Laba Musharax oo kala ahaa Shucayb Maxamed Muuse iyo Cali Maxamed Sh.Saleebaan ayuu si racsi ah Shucayb maxamed u helay 15 ka mid ah Codka Golaha halka Cali maxamed sh.Saleebaan ka helay shan Cod.Dhamaan Mudanayaasha Golaha Deegaanka ayaa Hambalyo u diray Maayarka Cusub ka dib markii laga dareeray madasha iyada oo Dadwaynaha Degmaduna si wayn usoo dhaweeyeen Maayarkan Cusub oo noqonaya kii ugu Da’da yaraa ee Abid soo mara Golaha Deegaanka Degmada Gabiley.Munaasabadan oo ay Goob joog ka ahaayeen Badhasaabka Gobolka Gabiley Axmed Cali Nuur iyo Kuxigeenkiisa Cali Cabdi Cali (Cali-Case), iyo Masuuliyiin kale ka socotay Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland.
Gabiley Qurbojoog