Golaha Deegaanka ee Hargaysa oo Daboolka ka Qaaday inaanay u Hogaansami doonin Wareegtadii Wasiirka Hawlaha Guud Ka Daawo QURBEJOOG.COM
Hargaysa 11.March 2014 (SDN) Maayar Xigeenka Caasimada Hargaysa oo ay Weheliyaan Ku dhawaad Labaatan Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee Caasimada oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Dawlada hoose ayaa Shaaca ka qaaday inaanay u Hogaansami doonin Wareegtadii lagu maanacay in dhulka danta guud ay Mas’uuliyadeeda la wareegtay Xukuumada Somaliland ee uu soo saaray Wasiirka Hawlaha Guud .
Maamulka iyo Xildhibaanada Golaha Deegaanku waxay Sheegeen in Wasiirku ku Xad gudbay Sharcigii dalka u yaalay iyagoo Xusay inay Khaati ka Taagan yihiin Faragalin uu ku hayo Wasiirka Hawlaha Guud .
)
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com