Golaha Deegaanka ee Degmada Saylac oo Mar kale doortay Maayarkii iyo Maayar Xigeenkii ay hore u doorteen+Xildhibaanada Beesha Ciise oo fadhiga ka soo xaadirin
Hargaysa 01,Jan.(SDN)
Xubnaha Golaha Deegaanka ee Degmada Saylac ayaa maanta fadhi ay yeeshaan ku doortay maayarka cusub iyo maayerku xigeenka degmadaas.
kullankan oo uu Goob joog ka ahaa Gudoomiyaha gobolka Salaal Nuur Cismaan Guuleed ayaa waxaa ka soo xaadiray Toban xildhiiban oo ka mid ah Todoba iyo Tobaanka xildhibaan ee golaha cusub ee degmadu ka koobaan yahay waxaana mudaayshu halkaasi ku dhaariyey gudoomiyaha maxkamada degmada lughaya oo uu u soo wakiishay gudoomiyaha maxkakmada gobolka salaal
Kadib Waxay Mudanayaashu waxa ay cod aqlabiyad ah ku doorteen inuu noqdo maayarka degmada Seylac Xuseen Ciidle Barkhadle, halka mayar ku xigeena ay u doorteen Sacad Daahir Cige
hadal uu halkaas ka jeediyay gudoomiyaha gobolka salal md. Nuur Cismaan Guuleed ayaa waxa uu xildhibanada golaha degaanka ee degmada saylac kula dar daarmay inay ugu sheeqeyaan wada jir iyo wax wada qabsi bulshada degaanka wada degan isla markaan ka hawlgalaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen baahiyaha dhinca biyaha iyo caafimaadka ee degmada ka jira.
Kulankan lagu doortay gudoomiyaha degmada saylac waxa goob joog ka ahaa wafdiga dawlad ee uu hogaaminayo wasiirka wasaarada warshadaha md. Clrisaaq Cali Cismaan kana mid yihiin Xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamanka Somaliland kuwaas oo mudooyinkii dambe ku sugnaa gobolka salal.
Dhaarinta Xildhibaanada ayaa markii ay dhamaatay Waxay Todobadii Mudane ee Beesha Ciise uga soo baxay Golaha Deegaanka ee Degmada Saylac ay ka dareereen Doorashada,Inkasta oo Cod dheeri lagu kala guulaysto hadana waxaan weli bogsoon Tabashadii ay qabeen Xildhibaanada Beesha Ciise lamana garanayo talaabada kale ee ay Xukuumadu qaadan doonto,kadib markii ay ku fashilantay inay dhex dhexaadiso labada dhinac isla markaana ay beesha Ciise Siiso Maayarka Degmadda Saylac.
Hargaysa SDN