|

Golaha Deegaanka ee Degmada Ceel Afweyn oo Xal Midaysan ka gaadhay Khilaafkii Golaha Deegaankooda kala qaybiyay

Hargaysa 26.Jan.(SDN)         Golaha Deegaanka ee  Degmada Ceel Afweyn ayaa maanta fadhi ay yeesheen waxay ku doorteen Maayir ku xigeen ay magaaladaasi yeelan doonto Saleebaan Yuusuf Diiriye,kadib markii uu iscasilay Maayar ku xigeenkii Hore ee Degmadaasi Cabdi Muuse Warsame.

Fadhigan oo uu Goob joog ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Aadan Diiriye Cigaal Geel Jire oo uu Weheliyo Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolkaasi ayaa waxaa kale oo ka qayb galay Madax dhaqameedyo isugu jira Boqoro,Salaadiin iyo Cuqaal.

Fadhigan oo ay Goob joog ka ahaayeen Afar iyo Toban Xildhaabaan oo ka mid ah Todoba iyo Tobanka Xildhibaan ee Golaha Deegaanka ee Degmadaasi ka kooban yahay waxay Sadex iyo Toban Mudane ku Ogolaadeen Soo Jeedinta Iscasilaada Gudoomiye ku xigeenkii Golaha Deegaanka ee Degmadaasi Cabdi Muuse Warsame,Waxaa kale oo ay Cod aqlabiyad ah oo dhan Sadex iyo Toban Mudane ku doorteen in Maayar ku xigeenka Magaaladaasi uu noqdo Saleebaan Yuusuf Diiriye.

Gudoomiyaha Gobolka Md Aadan Diiriye Cigaal Geel Jire waxa uu halkaa mahadcelin uga soo jeediyey xildhibaanada iyo xubnaha golaha wasiirada ee ka soo jeeda Gobolka sanaag kuwaasoo uu ku tilmaamay inay had iyo jeer ka qayb qaataan hawlaha ka socda Gobolka.

Gudoomiyaha Gobolka Sanaag waxa uu intaas ku daray in si Waafaqsan Xeerka Gobolada iyo Degmooyinka ay u dhacday Doorashadii hore ee Hogaanka Golaha Deegaanka ee Degmada Ceel Afweyn,isla markaana ay jewi degan mar kale ugu hirgashay.

 

Maayarka Ceel Afweyne Baashe Xandule Warsame, ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay Sida quruxda badan ee uu ku soo dhamaaday Khilaafkii ka dhex taagnaa Golaha uu Gudoomiyaha u yahay waxaanu balan qaaday in isaga iyo ku xigeenkiisa Cusubi ay u hawl gali doonaan horumarinta Degmada Ceel afweyn.

Boqor Maxamed Boqor Axmed Cali Ducaale ayaa ilaahay uga baryay Maayarku Xigeenka Cusub inuu ku garab galo Mas’uuliyada balaadhan ee loo doortay waxaanu ku bogaadiyay Xildhibaanada Golaha Deegaanku sida ay isugu Tanaasuleen isagoo intaas ku daray inay arrintani Horseedayso Isku duubni,Horumar,Nabad galyo iyo Midnimo bulshada deegaanka degmada Ceel afweyne isagoo ugu baaqay Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee Degmada Saylac inay isu tanaasulaan.

Si kastaba ha ahaatee Maayar ku Xigeenka Iscasilay ee Degmada Ceel Afweyn ayaa talaaban u sameeyay waxay la xidhiidhay sidii uu Meesha uga saari lahaa Khilaaf salka ku hayay Saami qaybsiga Beelaha wada dega degmadaas oo ay hogaaminteeda Urursadeen Beesha uu ka soo jeedo.

Hargaysa SDN.

Comments are closed