Golaha Deegaanka Caasimada hargaysa oo cadeeyay inay dhakhso u bilaabayaan wax ka qabashada Afar wado
Hargaysa 12.Feb (SDN) Ku simaha Duqa Caasimada Hargaysa ahna Maayar ku xigeenka Hargaysa Mudane C.casiis Maxamed Xaashi ayaa maanta kulan kula yeeshay xafiiskiisa Gudoomiyeyaasha Gudi hoosaadyada Golaha Deegaanka.
Ku Simaha Duqa Caasimada hargaysa oo uu kulankan ku wehelinayay Xoghayaha Fulinta Dawlada Hoose Mawliid Waris C.laahi ayaa waxay ujeedadiisu la xidhiidhay sidii meel la isula dhigi lahaa habsami u socodka hawlaha ay dawlada hoose ka mas’uulka tahay iyo dhamaystirka wixii Mashaariic ah ee haatan taagan.
Waxaana la isla qaatay in sida ugu dhakhsiiyaha badan loo dhamaystiro dhawr wado oo ay ka mid tahay Jidka boqol iyo Kontonka,Wadada isku Xidha Shiraaqle iyo Xaafada Maxamed Mooge,Jidka halbawlaha u ah Caasimada,Wadada Xaga danbe ka Marta Masjidka Tabliiqiga iyo Weliba ta Xaafada Siinay.
Ku simaha Duqa Caasimada Hargaysa ahna Maayar ku xigeenka Hargaysa Mudane C.casiis Maxamed Xaashi ayaa gabo gabadii waxa uu ku wargaliyay dadka wadooyinka dhexdooda ku ganacsada amase u soo dhawaada inay sida ugu dhakhsiiyaha badan uga guuraan,waxaa kale oo uu ka dalbaday Shirkadaha Laydhka iyo isgaadhsiintu inay birahooda ka leexiyaan Wadooyinka.
Shirkan waxaa ka qayb galay Gudoomiyayaasha Gudi hoosaadyada Arrimaha Bulshada,Dhaqaalaha,Nabadgalyada,iyo Arrimaha Dhulka ee Golaha Deegaanka Caasimada Hargaysa.
Hargaysa SDN.