Golaha Amaanka Q/M oo taageray Farangalinta Milatari ee Faransiisku uu kawadoMali
New York Jan 15 2013 (SDN)- Dhamaan Xubnaha golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa taageeray Faragalinta Milatari ee uu Faransiisku kawado dalka Maali si uu ula dagaalamo kooxaha Islaamiyiinta ah ee gacanta ku haya dhanka Waqooyi.
Saraakiil ku sugan Xarunta Qaramada Midoobay ayaa u sheegay warfidiyeenka in goluhu uu si wacan u soo dhaweeyay Faragalinta Faransiiska uu ka sameynayo dalka Mali waxana ay ku tilmaameen in ay tahay mid ka hortageysa qatar soo ifbaxaysa.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa sheegay in uu rajeynayo in faragalintan ay caawin doonto in xasiloonidii dib loogu soo celiyo dhulka waqooyi ee ay Islaamiyiintu maamulaan.
Kumanaan Ciidamo African ah ayaa la filayaa in ay ku soo biiraan maalmaha soo aadan howlgalka Faransiisku uu ka bilaabay dalkaMalisida ay sheegeen mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay.
Faragalinta Milatari ee Faransiiska uu ku sameeyay Mali Jimcihii aya timid kaddib markii kooxaha Islaamiyiinta ay qabsadeen magaalooyin katirsan Koofurta oo ay maamusho dowladda KMG ah ee taagta daran.
SDN-New York