Golaha Amaanka Q/M oo kulan looga hadlayo arrimaha Soomaaliya todobaadkan yeelan doona
New York Feb 10 2013 (SDN)– Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa isku diyaarinaya in uu kulan ka yeesho werbixin Soomaaliya ku aadan oo uu soo hordhigay Xogahayaha guud ee Q/M Ban Ki-moon taasi oo ay ku xusnayihiin Cunaqabateynta Soomaaliya iyo mustaqbalka Xafiirska UNPOS ee Soomaaliya.
Wakiilka gaarka ah ee Q/M u qaabilsan Soomaaliya Augustine Philip Mahiga ayaa sheegay in kulanka looga hadlayo arrimaha Soomaaliya Golaha Amaanka uu yeelan doono Todobaadkan.
Augustine Philip Mahiga oo la hadlayaya VOA ayaa tilmaamay in kulankaasi looga hadli doono dowrka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo sidii xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya dib u eegis lagu sameyn lahaa.
Danjire Mahiiga ayaa carabka ku dhuftay in dowrka UNPOS ee Soomaaliya uu ahaan doono in uu ka daba socdo dowlada Soomaaliya islamarkaana uu ku taageero wixii ay u baahanyihiin oo dib u dhiska dalka ah.
Dhanka kale kulanka golaha Amaanka Q/M ayaa lagu soo hadal qaadi doonaa codsiga soo noqnoqday mararbadan ee ku aadan qaadida xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya taasi oo uu dhawaantan warbixin ka soo saaray xogahayaha guud ee Q/M Ban Ki-moon kaasi oo sheegay in waajib ay tahay in laga jawaabo codsiga dowlada Soomaaliya, wadamad gobolka iyo Midowga Africa.
Sidoo kale dowladda Maraykanka ayaa la filayaa in ay taageeri doonto qaadista xayiraada hubka ee saaran Soomaaliya taasi oo la rumeysanyahay in ay sii sahli doonot in golaha dhamantiis uu isku raaco in la dhameeyo xayiraadan oo Soomaaliya sarneyd tan 1992dii.
SDN-New YorkÂ